Odhaahda Maanta (Talk of the Town)
Qaran kala Qoqobin
Taariikhdu markay ahyd 1888, waxa Soomaalida bohol madow ku riday Boqortooyadii Ingriiska. Waa xjligii mbriyaalada Ingriisku heshiisyo gaar gaar ah laka saxeexatay qabaa'ilka Soomaalida dhinaca Woqooyiga, aan ka hayn beesha SSC. Kadib waa kuu u baxshay British Somali Protectorate.
Waxa iyana taariikhdan weheliyey Minilikh iyo Fransiska oo lakala siiyey Galbeed iyo Jabuuti. Talyaanina waaki qaatay Koonfur.
Maanta oo taariikhdu tahay 2019, inta kale hadal koodaba daa ee seefta gumeysigu Koofur ayey saarantahay. Kenya iyo Itoobiya ayaa seefahooda dul yaalaan qaybo ka mid ah koonfutra Soomaaliya (Southcentral).
Arinta Jubaland doorasho iyo shaqsi ka weyn. Axmed Islaaan ka weyn oo ka durugsan. Sideedabana Axmed Islaan kuma cusba masrsxa siyaasada deegaanka. Waa shaqsi soo ahaa Maxkamadihii UIC . Waa shaqsi Itoobiya la soo dagaalamay, xabad Itoobiya ku dhacday oo lugta kaga taal; Itoobiya mudo sadex sano ah ayey xidhay. Intay siidaysay ayey wada shaqayn sameysteen.
Markuu Abiy Itoobiya qabsaday, qayb mugleh ayuu ku lahaa siidayntii Qalbidhagax. Qalbidhagax waxa dawladii uu ka tagay ama laga dhaxlay dilaagii Meles gacanta u galiyey dawlada Mohamed A. Farmajo.
Haday saas tahay, ilama aha in Itoobiya dhibta intan la'eg ( weerarkii dhacay 8/19/2019 we gagada dayuuradaha Kismayo) ay u galyso danaha shaqsigu loltan siyaasadeed ku jira oo weliba u badan dad isku rer ah.
Danaha Itoobiya iyo Kenya ka weyn waxa indhaheenu qabanayaan. Waxa kale ood hosta ka xariiqdaa in Itobiya iyo Kenya gaashaanbuur military oo 1960hii saxeexdeen welina leeyihiin. Nuxurka heshiiskaasina waa in ay Soomaaliya iska caabiyaan.
Kenya: waxa ugu weyn een isku haynaa waa dacwada badda. Dacwadaasi ma cusba. Ilaa 1970hii miiska ayey saarayd. Waxa hadeer dardar galiyey waa laba arimood: 1. Iyada oo shidaal laga helay inta la isku haysto. 2. Soomaaliya oo daciif ah ayna Kenya rabto in ay ka faa'iidaysatilo xiligan xadirka ah.
Itoobiya: waxa intaa iyo in ka badan ayey Soomaaliya ka rabtaa: 1. Colaad qadiimi ah doonay weli xali u helin ayaa jirta. 2. Itoobiya oo qorshaheedo yahay in bada Kismayo u adeegto koonfur Itoobiya, 3. Itoobiya oo u aragta Soomaaliya oo dhan waxa layidhaa "sphere of influence" ama.beerta igu dhagan een anigu ka maamulka ahay. Xiligii SYL xornimada qaadanaysay Itoobiya waxay ku doodsy in ayaada wax laga weydiiyo. Hadeerna arintaasi wey taagantahay. 4. Farmajo oo Itoobiya u balanqaaday waxyaabo badan haday ka caawiyaan arinta Madoobe.
Qiimeyn: ilaa hadeer Kenya waxay ku taagantahay nidaamka aduunku yaqaan iyo cadwadaha lagu xaliyo isku qabsada xabadka bada. Waxa intaas dheer, nidaamka dawliga ee Kenya waa more demcocratic isla markaana in badan rule of law raaca.
Itoobiya: waa dawlad innaba aan Soomaaliya/Soomaali aaminay oo labadaumadood weli fslsafadooda isma haleelin 2. Rule of Law weligood Itoobiya ka ma hirgalin oo waa gumeysi gaamuray. 3. Waa dawlad nidaamkii shuuciyada u dhisan xooguna shaqeeyo. 4. Itoobiya waa militarily state isaguna aragta xooga aan laga daba hadli karin ee deegaanka Geeska Afrika.
Fakirkayga: Waxay aniga ila tahay in aan Jubaland inaba laga filan doorasho 100% xalaal ah. Tii Farmaajo keentayna 100% xalaal ma ahyn. Laakiin labaduba waxa la odhan karaa ilaa xad, oo weliba Afrika marka la barbar dhigo, weynu ku meel gaadhi karnaa.
Talo: Is afganshawa siyaasadeed in uu duulaan shidheeyo horseedo waa cawaaqib xumo. Tan kale, gari in ay Kenya kaa gasho ayaa ka fudud in ay Itoobiya kaa gasho. Ugu yaraan Kenya ilaa xad rule of law ayaa lagu dhaqmaa, halka Itoobiya ay tahay laba nidaam oo cakiran oo isgalay; waa nidaamka shuuciga iyo kan fuedalka ama boqortooyo qadiimi ah oo diidan casriga dawladnimo.
Sikastaba ha ahaatee, waa in Farmaajo ka tanaasulaa edeegsigs Itoobiya, Axmed Islaana ay wada hadlaan. Ilaa hada Farmajo meel mugdi ah ayuu taladiisa ku gorfaynayaa.
No comments:
Post a Comment