Thursday, July 13, 2017

Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo ..●~--

                         







Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo ..●~--
________________________________

Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed waxaa isbadal weyn ku imaaday waqtiga shaqada ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sida laga war qabo guddoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir ma laheyn jadwal shaqo oo joogto ah, mana jirin waqti cayiman oo guddoomiyaha Gobolka laga helayo xafiiskiisa, balse tan iyo markii Thaabit loo dhiibay xilkaas, waxaa fududaatay shaqooyinkii Gobolka Banaadir wuxuuna guddoomiyaha xafiiskiisa usoo fadhiistay si joogt ah.

Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo, wuxuuna intaas xafiiskiisa ku qaabilaa dad badan oo adeegyo uga baahan Gobolka taasoo muujineyso inuu guddoomiyaha yahay nin u diyaarsan inuu si wanaagsan u guto waajibkiisa.

Sida uu noo xaqiijiyey shaqaalo ka tirsan Gobolka Banaadir oo xafiiskaas ka shaqeenayey muddoo toban sano, guddoomiye Thaabit ayaa inta badan la arkaa isagoo shaqeenayo xilliyada habeenkii ilaa afar saac habeenimo taasoo noqotay arrinta ugu muhiimsan ee uu Thaabit kaga duwanaaday Guddoomiyayaashii hore.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaqaalaha Gobolka Banaadir ku amray inay waqtiga shaqada ilaaliyaan isla markaasna si wanaagsan loogu adeego muwaadiniinta documents-ka uga baahdo Gobolka Banaadir, waxaana markii hore jirtay xilliyadii guddoomiyayaashii hore cabaqad kasoo wajaheyso shacabka xafiisyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Thaabit ayaa laga rajeenayaa inuu si dardar geliyo shaqadiisa, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda aaminsan yihiin inuu Thaabit noqon doono guddoomiyihii ugu waxqabadka fiicnaa dhammaan guddoomiyayaashii soo maray Gobolka Banaadir tan iyo burburkii.

Dhanka Kale guddoomiyaha ayaa ka shaqeeyey in la fududeeyo qaadashada waraaqaha dhashada iyo kuwa sugnaanta, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu guddoomiyaha meesha ka saaray laaluushkii markii hore laga qaadan jiray muwaadiniinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Thaabit ayaa ka shaqeeyey in dadka doonayo dhalashooyinka iyo sugnaanto loo kala hormariyo sida ay usoo kala horeeyaan halka markii hore loo kala hormarin jiray sida ay u kala laaluush badan yihiin.


Sunday, July 9, 2017

Re-Upload | Unprecedented Event: Dr. Mohamed Warsame 'Kimiko' - [Dhacdo ...

The faces of defeat and a victory for a nation.
The victory of #Nabad & #Nolol put a huge smile to all Somalis all-over the world. ..^_________^

Saturday, July 8, 2017

What Happened to Charles Bronson?

One incredible actor and great movie's. awesome documentary on Charles Bronson....

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda

                     
             













Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.
Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.
Waxay sidoo kale dowladdu ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay hawsheeda meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

Putin holds press conference at G20 in Hamburg

Friday, July 7, 2017

The success criteria by PM Kheyre



                 


                 


.A very constructive and substantive political strategy  by our dear PM Kheyre, coaptated all methods to reach an ultimate solution in Somalia. "It almost four months since he took the office". Kheyre, has made a historical trips in the regional states; established a coherent political and economic strategy to deal with states: "mutual interests and respect".

The success criteria by PM Kheyre:

1. Combating corruption, mismanagemenet,    bribes,embezzlement,etc.

2. eminitaion of injustice by reforming and strengthen the juridical system

3. reconstructing and reform country`s poiltical and economic instititions.

4. The completion of the constitition of the country

5. Reconciling the conflicts among Somalis tribes, clans, etc

6. Rebuilding and reognazing army and security forces.

7.  Enhancing education and Health instititions 

8. Investement in puplic infrastucture.

9.  Preserving religion , social  norms and the civil liberty.

To deliver the success cretiria, we need youd help, feedback and advice. Don`t be hesitate to contact us:  >. LIKE SHARE COMMENT
(Alaa-mahad leh)

Tuesday, July 4, 2017


                                       



"Wixii muuqdaa muhiim Ah". Shaki kuma jiro inuu RW Kheyre, dadaal ugu jiro dib u hanashada Somalia, oo cagaheeda ku istaagta; inkastoo ay jiraan caqabado gudaha iyo dibadaba. Ha ugu horesyo "Dhul-gariirka siyaasadeed oo u dhaxeeya wadamada Carabta". 

Xiligu waa adag yahay! Dabeysha siyaasadeed ee caalamkana uma muuqato mid dagan. Si xaaladahaas adag looga gudbo waxaa loo baahanyahay: farsamo siyaasadeed oo sare iyo xeelado cusub.

Waxaa u rajeynayaa RW Kheyre, guul iyo gobonimo. 


Alaa-mahad leh.

SHOCK UN WARNING: Only 3 YEARS Left to SAVE THE PLANET!!!

Sunday, July 2, 2017

                             
XOG DEG DEG AH: R/W oo xilka ka qaadaya Wasiirka arrimaha Dibada Yuusuf Garaad & Beeshiisa oo wadata…..>. LIKE SHARE COMMENT

Yuusuf Garaad ayaa la filayaa in lagu beddelo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sida ay sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha Cayr.
Shir ay xubnaha beesha Cayr ku yeesheen magaalada Nairobi ayay dhowaan ku go’aamiyeen in beesha ay dooneyso in xilkan loogu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo ay kala hadleen Kheyre. Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wararka ayaa sheegaya in Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi, oo saameyn weyn ku leh ra’iisul wasaaraha ay aqbaleen soo jeedinta beesha Cayr, sida xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ay u sheegeen Warbaahinta.
Si kastaba, waxaan illaa iyo hadda la ogeyn in arrintan uu aqbali doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha Cayr ayaa markii horeba kasoo horjeeday magacaabista Yuusuf Garaad Cumar, waxaana hadda ay u muuqataa inay u hir-geli doonto rabitoonkooda ahaa in qof ayaga ay wataan xilkan loogu magacaabo.

Boqoradda waxay Sheegtay Somalia iney hogaamin doonto Qaradda Africa

                                                         













Boqorada Norway Queen Sonja..)
----------------------------------
Boqoradda waxay Sheegtay Somalia iney hogaamin doonto Qaradda Africa>. LIKE SHARE COMMENT
-------------------------
Waxay Sheegtay inay aaminsantahay in madaxdda somaliya ay yihiin kuwo aragti iyo Hadaf leh.waxey kaloo sheegtay iney raysal wasaaraha Hassan Kheyre oo horey aqoon dheer u laheyd inuu Yahya shagsi fikir dheer leh,hami leh,dalkiisana jecel,hal abuurna leh,kuna guuleysankara qorsha Horyaal.. 
Sidaa waxaa laga soo xigtay wasiirka arimaha dibadda ee Norway!
Dalka norway waxay balan gaadeen

In ey Garab istaagayaan Somalia Mustaqbalka dhow &kan Fog.