Thursday, July 13, 2017

Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo ..●~--

                         







Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo ..●~--
________________________________

Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed waxaa isbadal weyn ku imaaday waqtiga shaqada ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sida laga war qabo guddoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir ma laheyn jadwal shaqo oo joogto ah, mana jirin waqti cayiman oo guddoomiyaha Gobolka laga helayo xafiiskiisa, balse tan iyo markii Thaabit loo dhiibay xilkaas, waxaa fududaatay shaqooyinkii Gobolka Banaadir wuxuuna guddoomiyaha xafiiskiisa usoo fadhiistay si joogt ah.

Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo, wuxuuna intaas xafiiskiisa ku qaabilaa dad badan oo adeegyo uga baahan Gobolka taasoo muujineyso inuu guddoomiyaha yahay nin u diyaarsan inuu si wanaagsan u guto waajibkiisa.

Sida uu noo xaqiijiyey shaqaalo ka tirsan Gobolka Banaadir oo xafiiskaas ka shaqeenayey muddoo toban sano, guddoomiye Thaabit ayaa inta badan la arkaa isagoo shaqeenayo xilliyada habeenkii ilaa afar saac habeenimo taasoo noqotay arrinta ugu muhiimsan ee uu Thaabit kaga duwanaaday Guddoomiyayaashii hore.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaqaalaha Gobolka Banaadir ku amray inay waqtiga shaqada ilaaliyaan isla markaasna si wanaagsan loogu adeego muwaadiniinta documents-ka uga baahdo Gobolka Banaadir, waxaana markii hore jirtay xilliyadii guddoomiyayaashii hore cabaqad kasoo wajaheyso shacabka xafiisyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Thaabit ayaa laga rajeenayaa inuu si dardar geliyo shaqadiisa, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda aaminsan yihiin inuu Thaabit noqon doono guddoomiyihii ugu waxqabadka fiicnaa dhammaan guddoomiyayaashii soo maray Gobolka Banaadir tan iyo burburkii.

Dhanka Kale guddoomiyaha ayaa ka shaqeeyey in la fududeeyo qaadashada waraaqaha dhashada iyo kuwa sugnaanta, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu guddoomiyaha meesha ka saaray laaluushkii markii hore laga qaadan jiray muwaadiniinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Thaabit ayaa ka shaqeeyey in dadka doonayo dhalashooyinka iyo sugnaanto loo kala hormariyo sida ay usoo kala horeeyaan halka markii hore loo kala hormarin jiray sida ay u kala laaluush badan yihiin.


Sunday, July 9, 2017

Re-Upload | Unprecedented Event: Dr. Mohamed Warsame 'Kimiko' - [Dhacdo ...

The faces of defeat and a victory for a nation.
The victory of #Nabad & #Nolol put a huge smile to all Somalis all-over the world. ..^_________^

Saturday, July 8, 2017

What Happened to Charles Bronson?

One incredible actor and great movie's. awesome documentary on Charles Bronson....

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda

                     
             













Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.
Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.
Waxay sidoo kale dowladdu ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay hawsheeda meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

Putin holds press conference at G20 in Hamburg

Friday, July 7, 2017

The success criteria by PM Kheyre



                 


                 


.A very constructive and substantive political strategy  by our dear PM Kheyre, coaptated all methods to reach an ultimate solution in Somalia. "It almost four months since he took the office". Kheyre, has made a historical trips in the regional states; established a coherent political and economic strategy to deal with states: "mutual interests and respect".

The success criteria by PM Kheyre:

1. Combating corruption, mismanagemenet,    bribes,embezzlement,etc.

2. eminitaion of injustice by reforming and strengthen the juridical system

3. reconstructing and reform country`s poiltical and economic instititions.

4. The completion of the constitition of the country

5. Reconciling the conflicts among Somalis tribes, clans, etc

6. Rebuilding and reognazing army and security forces.

7.  Enhancing education and Health instititions 

8. Investement in puplic infrastucture.

9.  Preserving religion , social  norms and the civil liberty.

To deliver the success cretiria, we need youd help, feedback and advice. Don`t be hesitate to contact us:  >. LIKE SHARE COMMENT
(Alaa-mahad leh)

Tuesday, July 4, 2017


                                       



"Wixii muuqdaa muhiim Ah". Shaki kuma jiro inuu RW Kheyre, dadaal ugu jiro dib u hanashada Somalia, oo cagaheeda ku istaagta; inkastoo ay jiraan caqabado gudaha iyo dibadaba. Ha ugu horesyo "Dhul-gariirka siyaasadeed oo u dhaxeeya wadamada Carabta". 

Xiligu waa adag yahay! Dabeysha siyaasadeed ee caalamkana uma muuqato mid dagan. Si xaaladahaas adag looga gudbo waxaa loo baahanyahay: farsamo siyaasadeed oo sare iyo xeelado cusub.

Waxaa u rajeynayaa RW Kheyre, guul iyo gobonimo. 


Alaa-mahad leh.

SHOCK UN WARNING: Only 3 YEARS Left to SAVE THE PLANET!!!

Sunday, July 2, 2017

                             
XOG DEG DEG AH: R/W oo xilka ka qaadaya Wasiirka arrimaha Dibada Yuusuf Garaad & Beeshiisa oo wadata…..>. LIKE SHARE COMMENT

Yuusuf Garaad ayaa la filayaa in lagu beddelo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sida ay sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha Cayr.
Shir ay xubnaha beesha Cayr ku yeesheen magaalada Nairobi ayay dhowaan ku go’aamiyeen in beesha ay dooneyso in xilkan loogu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo ay kala hadleen Kheyre. Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wararka ayaa sheegaya in Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi, oo saameyn weyn ku leh ra’iisul wasaaraha ay aqbaleen soo jeedinta beesha Cayr, sida xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ay u sheegeen Warbaahinta.
Si kastaba, waxaan illaa iyo hadda la ogeyn in arrintan uu aqbali doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha Cayr ayaa markii horeba kasoo horjeeday magacaabista Yuusuf Garaad Cumar, waxaana hadda ay u muuqataa inay u hir-geli doonto rabitoonkooda ahaa in qof ayaga ay wataan xilkan loogu magacaabo.

Boqoradda waxay Sheegtay Somalia iney hogaamin doonto Qaradda Africa

                                                         













Boqorada Norway Queen Sonja..)
----------------------------------
Boqoradda waxay Sheegtay Somalia iney hogaamin doonto Qaradda Africa>. LIKE SHARE COMMENT
-------------------------
Waxay Sheegtay inay aaminsantahay in madaxdda somaliya ay yihiin kuwo aragti iyo Hadaf leh.waxey kaloo sheegtay iney raysal wasaaraha Hassan Kheyre oo horey aqoon dheer u laheyd inuu Yahya shagsi fikir dheer leh,hami leh,dalkiisana jecel,hal abuurna leh,kuna guuleysankara qorsha Horyaal.. 
Sidaa waxaa laga soo xigtay wasiirka arimaha dibadda ee Norway!
Dalka norway waxay balan gaadeen

In ey Garab istaagayaan Somalia Mustaqbalka dhow &kan Fog.

Monday, June 19, 2017

Inside Story - Why was Saif al-Islam Gaddafi released from prison?

WAA KUMA SHAKHSIGA KA DAMBEEYA MOOSHINKA LALA DAMACSAN YAHAY RA’IISUL WASAARE KHEYRE?



                                         




WAA KUMA SHAKHSIGA KA DAMBEEYA MOOSHINKA LALA DAMACSAN YAHAY RA’IISUL WASAARE KHEYRE? 
__________________________________
LIKE SHARE SUBSCRIBE COMMENT

Monday June 19, 2017
Tan iyo markii la magacaabay bishii March sannadkan ra’iisul wasaare Kheyre, waxaa khilaaf aan dibadda soo bixin u dhaxeeyay isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.




Khilaafka labada dhinac ayaa bilaawday markii uu Kheyre ka reebay golihiisa wasiirrada Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday wasiirka Maaliyadda dawladdii Xasan Sheekh Maxamud, islamarkaana waxa ay saaxiibo dhaw yihiin Jawaari oo booskaas la damacsanaa saaxiibkiisa.

Kheyre ayaa ku adkeystay go’aanka ah in uusan waxba ka beddelayn, uuna dib usoo magacaabi doono marka isku shaandheynta uu sameynayo Lix kaddib magacaabistooda.
Wixii intaas kadambeyay Jawaari ayaan waji wanaagsan u hayn dhiggiisa Kheyre, waxaana illo ku dhaw Villa Hargeysa ay sheegayaan guddoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshaha guud ee Mooshinka looga keenayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxwayne Farmaajo ayaan diyaar u ahayn in uu fara geliyo khilaafka u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga yaabo in uu isku beddelo Mooshin marka July dib ay iskugu soo noqdaan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu warqad usoo diray Jawaari ay ku qoran tahay in qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ay damacsan yihiin Mooshin ka dhan ah xukuumadda Khayre.




Wednesday, June 7, 2017

Iran Revolutionary Guards blame Saudi Arabia for deadly attacks in Tehran





                                           
Iran Revolutionary Guards blame Saudi Arabia for deadly attacks in Tehran
----------------------------------
Iran’s Revolutionary Guards have accused Saudi Arabia of masterminding the deadly attacks in Tehran on Wednesday, in which at least 12 people were killed. Earlier the terrorist group Islamic State claimed responsibility for the attacks.
"This terrorist attack happened only a week after the meeting between the U.S. president (Donald Trump) and the (Saudi) backward leaders who support terrorists. The fact that Islamic State has claimed responsibility proves that they were involved in the brutal attack," said the statement, cited by Reuters. 
Earlier, Brigadier General Hossein Salami, IRGC deputy commander, pledged retaliation for the attack.
Let there be no doubt that we will take revenge for today's attacks in Tehran, on terrorists, their affiliates and their supporters,” he said, as cited by the news agency Mehr.
Twelve people were reported killed and 43 injured in gun and bomb attacks in the Iranian capital. The perpetrators targeted the Iranian parliament and Ayatollah Khomeini’s shrine.
Both attacks were claimed by Islamic State (IS, formerly ISIS/ISIL), the jihadist organization based in Iraq and Syria. Iran supports both countries in their fight against IS. The attacks in Tehran were the first that IS had claimed responsibility for in the Shiite Islamic republic.







Toumani Diabaté - Elyne Road

Monday, June 5, 2017

Sacuudiga VS. Qatar:


                                               



Loolanka Sacuudiga iyo Qatar: Saameynta ka dhalatay & Go’aanka Soomaaliya laga rabo iney qaadato
----------------------------------

Maanta waxaa ay carabta ku soo toostay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Qatar, waxaa dib ugu soo biiray Yemen, hadda waxaa socdo xulufeysi oo dalal ayaa ku kala biiri kara labada dhinac, arrinta mar haddii ay sidaasi tahay, waxaa haboon in aan ka hadalno sida ay tahay in Soomaalida yeesho iyo halka ay maslaxadda qaranka ku jirto.

Sacuudiga waa dalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu booqdo doorashada kadib halka Qatarna ay tahay dalkii ugu dambeeyay ee uu booqasho ku tago, labadaba waxaa ay Soomaaliya la wadaagnaa xiriir soke, labadaba waxaa ku nool jaaliyad badan, labaduba waxaa ay ballan-qaad u sameeyeen dowladda cusub, Hadaba dalkee ayey tahay in Soomaaliya sal dhigato? Halkee maslaxadeeda ku jirtaa? inta aan su’aalahani ka jawaabin akhriso waxa la isku heysto!!

Billowga Khilaafka:

Maalmo kadib, shirkii Riyaadh gaar ahaan May 24-keedii waxaa wakaaladda Qatar lagu baahiyay hadalo uu sheegay Amiir Tamiim-ka Qatar oo ka careysiiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, arrintaas oo Doxa markii dambe beenisay, sheegtana in bogga wakaaladda wararka ee qaranka la jabsaday.

Dagaal Afka Ah:

Qoraalka ay Doxa beenisay kadib, warbaahinta Imaaraadka, Sacuudiya iyo Masar waxaa ay dagaal afka ah ku qaadeen Qatar, iyaga oo falanqeyn joogta ah ka sameynayey hadalkii Amiirka ee ay Doxa beenisay iyaguna ay rumeysteen.

Warbaahinta Sacuudiga waxyaabaha ay qoreen waxaa ka mid ahaa, qoraal ay soo saareen qoyska Aala-Sheekh ee ku abtirsada Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab kuwaas oo iska fogeeyay in Amiirka Qatar uu ka tirsan yahay Aala Sheekh, iskuna farac yihiin, sida uu Amiirka horay u sheegay.

SKY News qeybta Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa warbaahinta sida weyn uga hadashay, lana safatay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaa intaa dheeraa in dalalka hadda xiriirka u jaray Qatar ay hawada ka saareen Telefishinka Al-jazeera iyo bogag badan oo kale.

Al-Jazeera Oo Afka Furatay:

May 28, 2017: Al-Jazeera waxaa ay daabacday Farshaxan muujinaya Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Mareykanka…in kasta oo Al-Jazeera markii dambe ay tirtay, sheegtana in si qaldan loo fasirtay, cudur daarna ka bixisay.

Maalin ka hor, Shabakadda Al-Jazeera waxaa ay soo bandhigtay sir laga helay Emailka la jabsaday ee Safiirka Imaaraadka ee Washington oo sheegeysa in Imaaraadka ay olog kula noqdeen Isra’il in Qatar la sumcad dilo oo lagu eedeeyo taageerista argigixisada.
Qoraalka Emailka Al-jazeera ay baahisay, waxaa la sheegay in Imaaradka uu diidanaa Shirka Xamaas ee ka dhacay Qatar isla markaana ay dadaal ugu jirto sidii saldhigga military ee Mareykanka looga rari lahaa Qatar.

Warbixinta lagu daabacay Al-jazeera waxaa ku jirtay in Imaaraadka uu lug lahaa inqilaabka ka dhacay Turkiga ee la doonayey in lagu diro Erdogan.

Asalka Loolanka Sacuudiga iyo Qatar:

Sacuudiga iyo dalalka kale ee xiriirka u jaray dalka Qatar waxaa ay Doxa ku eedeeyaan xiriirka ay la leeyihiin xarakada Ikhwaanka, guud ahaan Islaamiyiinta iyo dalka Iran…..kaalinta Qatar ee Libyan, Suuriya iyo Yemen meesha kama marna…xiriirka Qatar iyo Turkiga waa arrin kale.

Xiriirka Ikhwaanka iyo Islaamiyiinta:

Qatar waxaa lagu heystaa xiriirka ay la leedahay Xarakada Ikhwaanka Muslimiinta, Xarakada Dhaalibaan iyo kooxo kale oo reer galbeedka iyo dalal Carab ay ku dareen liiska kooxaha argigixisada, halka Doxa ay mar walbo sheegto in aaney macquul aheyn in koox kasta oo mucaarad ah lagu daro liiska argigixisada iyada oo isku fogeysa in ay xiriir la leedahay kooxo argigixiso ah.

Qatar waxaa kale oo ay xiriir la leedahay kooxo badan oo Islaamiyiin ah oo ka dagaalamaya bariga dhexe iyo Afrika, sidaasi waxaa ku eedeynaya Sacuudiga, Masar iyo dalal kale, tiiyoo keentay xitaa in gudaha Mareykanka gaar ahaan Cogress-ka ka hadlo xiriirka Doxa iyo waxa loogu yeero argigixisada.

Xiriirka Iran:

Dalka Qatar waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa Iran, mana qarsadaan arrinkaas, todobaadkii tagay warbaahinta Iran waxaa ay baahisay xiriir dhanka Telefanka ah oo dhex maray Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Iran, ninka hore waxaa uu sheegay in dalkiisa ka go’antahay wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Saameynta Loolanka Cusub:

Dhibaatadan cusub malaha oo keliya saameyn siyaasadeed ee waxaa kale oo ay yeelan doontaa saameyn dhaqaale, mid ganacsi iyo mid bulsho, tusaale ahaan Jaaliyadda Masar ee Qatar waxaa ay ka badan yihiin rubuc Milyan qof, waxaa su’aal ka taagan tagay aayahooda, Khaliijka waa dalal isku xiran, waana adagtay in sidaasi ay wax ku sii socdaan.

Maxay Tahay Kaalinta Jaamacadda?

Jaamacadda Carabta waa urur aanan awood laheyn, marka ay sidan dhacdo waa isku dhex yaacdaa waayo xaruntooda waa Qaahira, dalalkii ugu weynaa carabta sida Masar iyo Sacuudiga ayaa isku dhinac maray, laakin xeerka Jaamacadda waxaa ku qoran sidan:

Iyada oo la adkeynayo xiriirka dalalka Carabta iyo adkeynta isku xirkooda, waa in dal walbo uu ixtiraamo qaranimada iyo madaxbannaanida dalalka kale iyo in dadaalka la isugu geeyo waxa uu kheyr ugu jiro Carabta oo dhan.

Dhanka dagaallada: Qodobka 5aad waxaa uu ka reebayaa dowladaha in loolankooda dagaal uu lugta la galao, Haddii uu jiro duulaan ama mid laga cabsi qabo, dowladda lagu soo duulay waa in ay codsato kulan degdeg ah, qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa in dowlad kasta oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ay ixtiraamto madaxbanaanida iyo qaranimada dowladaha kale.

Kaalinta Soomaaliya:

Soomaaliya waa dal xiriir soke la leh labada dhinac, maanta waxaa ay aheyd in ay Muqdisho gogol dhigto sida ay Kuwait sameysay 2014kii markii Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ay safiirradaooda kala baxeen Doxa, waxaa ay aheyd in Soomaaliya qabato dalkii gar-daran, laakin hadda ma dhici karto oo awoodeeda ma lihin, sidaa darteed waxaa haboon in masaafo isku mid ah aan ka istaagno loolanka Khaliijka, in Soomaaliya ay ka madaxbannaanaato loolan u dhaxeeyay dalal walaalo ah iyo in aan loo fududaadin sida horay u dhacday oo dalal aan la kala safanay.


W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Tuesday, May 2, 2017

[ I still carry on to fuel the fire that will be... ]




[ I still carry on to fuel the fire that will be... ]
--------------------------------

Still carry on to fuel the fire that will be placed within your heart-I speak for the Somalis who will give the hand its 

motherland scream for, revive the people’s mind with encouragement, inspiration, and inject it with knowledge, so we can all abandon unawareness, so we can dismiss hatred, and as well as terminating tribalism.

You SHOULD grab the book, and be knowledgeable, take care of every minute spend upon nonsense, and grow it in to productive, and result producing moment. And be educated, but don’t be one of these who get the degrees just to rob, and rape some more. In addition be close to your Allah, and perform all the prayers-and fast. only be accurate to yourself, for nothing will befall upon you.

I adore my country Somalia
***Strictly my Opinion***


LIKE SHARE SUBSCRIBE COMMENT

IILKA KII DHIGAY U DACWOOTOOY [Opinion]




IILKA KII DHIGAY U DACWOOTOOY [Opinion]
--------------------------


Hordhac .. 
 ***Strictly my Opinion***

Qormadaan in aan qoro waxaa igu kalifay, markaan arkay sida ay dowlada Ingiriiska oo loo yaqaanay Dawacii Duqa ahaa (waayo sida Dawacada ayuu u dhagar badan yahay, isla markaana isagaa ugu weynaa gumestayaasha uguna gumeysi ballaarnaa) u rafaadinayo Ummadda Islaamka ah iyo sida aysan dadka Muslimka ahi u ogeyn oo ay cawa iyo ayaanba udaba roorayaan ayna umoodayaan in uu wanaag u waddo. Qaar badan oo ka mid ah dadka sheegta in ay udagaalamaan xuquuqda dakaa Muslimka ah xarumahoodu waxay ku yaalaan London, waxa dhibka badayna waa dowlada Ingiriiska oo gacanta ugalisay dhulakoodii dowlado iyo dad gaala ah, isagoo aan wali ka daalin Ingiriisku hagardaamooyinkaas uu u maleegayo Islaamka iyo dadkiisa. Meelaha uu haaraha xun-xun uu u geystay waxaa ka mid ah: dadka reer Falastiin, dadka Kashmiir iyo dadka Soomaaliyeedba.
Qormadaan kaga aan hadli maayo xasuuqa, ciqaabta, silica iyo rafaadka ay mariyeen dadkaa Islaamka ah cadowgii uu Ingiriisku gacanta ugaliyay ee Israel, India, Ethiopia iyo Kenya-ba, waayo hal maqaal ah laguma soo koobi karo, laakiinse haddii Alle idmo qormooyinka dambe ayaan kusoo gudbin doonaa.
Dhanka kale qormadaan waxay kusoo begantahy iyadoo baryahaan la hadla hayo shir la leeyahay waxaa loo qabanayaa Soomaalida waxaana qabanqaabinaysa dowlada Ingiriiska oo London buu ka dhacayaa. Dowlada Ingiriiska iyo wixii la aynaba ugamaanan baran in ay wanaag ka shaqeeyaan marka ay joogto Ummadda Islaamka gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed marka maxaa isbadaly!? Mise dano kale ayaa jira oo loo soo kala tartamayo dalkaan hodanka ah laakiin dadkiisu beerka dhagaxu ugu xiran yahay, kadib markuu Erdoğan-ka Turkey-gu Somalia indhaha caalamka usoo jeediyay xaqiijiyayna in Soomaaliya la tagi karo waxna lala qabsan karo.
Palestine
Dadka reer Falastiin wuxuu gacanta ugaliyay dhulkoodii Yuhuud. Qarnigii 19-aad dhamaadkiisii waxaa bilowday gumeysiga iyo xoog kusoo degida dhulka Falastiin iyo dib usoo cusbooneysiinta luuqada Cibriga oo ah luuqada ay ku hadlaan dadka Yuhuudu, hawshaa waxaa waday waxa loo yaqaano SAHYUUNIYADDA (Zionism) oo ahaa dhaqdhaqaaq ururiya yuhuuda adduunka ku nool, ujeedadooda iyo siyaasadooduna ahayd aasaasida iyo horumarinta qaran Yuhuudu leedahay oo laga sameeyo dhulka Falastiin. Dhaqdhaqaaqaas oo ilaa hada jira kadib asaaskii iyo dhisidii dowlada gar-darada ku dhisan ee Israel.
Dhaqdhaqaaqa waxaa si cad u taageerasay dowlada Ingiriiska intii lagu guda jiray Dagaalkii Koowaad ee Aduunka wuxuuna ku cadaa bayaankii la magac baxay Balfour ee soo baxay sanadkii 1917 (Balfour Declaration of 1917) Arthur James Balfour wuxuu ahaa xubin aad loo sharfo oo ka tirsanaa Xisbiga Muxaafadka ee Ingiriiska (Conservative Party), Balfour waxa uu ahaa ninka dowlada Ingiriiska wakiilka uga ahaa howshaa iyada ah, wuxuuna noolaa intii udhaxaysay 1848-1930. Waxaa kale oo jiray bayaankii kale ee soo baxay 1919 ayna soo diyaariyeen Ururka Sahyuuniyadu ee la magac baxay Shir-weynaha Nabadda ee Paris (Paris Peace Conference in 1919), laakiin aan nabad ahyne ahaa duudsiisn dad kale xaqood.
Ingiriisku bil kadib waxuu qabsady Qudus, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay maamulka Falastiin 1922 kadib dumidii Khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta . Falastiiniyiintii dhulka daganayd waxay abaabuleen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan Ingiriiska sanadihii 1920, 1929 iyo 1936. Sanadkii 1947 Kadib dagaalkii II-aad ee dunida iyo xasuuqii uu Nazi-gii Jarmalku ugeystay dadkii Yuhuuda ahaa ee ku noolaa Yurub intii u dhexaysay sanadihii 1941-1945 dowlada Ingiriisku waxay shaaca ka qaaday sida ay u rabto inay usoo gabagabayso Maamulkeedii dhulka Falastiin, ujeedadooduna waxay ahyd si ay Yuhuuda ugogol xaaraan meeshana ugu baneeyaan, waayo sida cadayd Yuhuudu ma haysan awood ay ku qabsadaan Falastiin laakiin waxaa toos utaageeraysay dowlada Ingiriiska iyo Maraykanka oo markii dambe la wareegay naas-nuujintooda iyo barbaarintoodaba.
Iyadoo ay dabada ka riixayaan dowladahaa aan kor kusoo xusay ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu u codeeyay in dhulka Falastiin loo qaybiyo dowlad Yuhuudu leedahay in dowlad Carabtu leedahay. Hogaankii Yuhuudu waa aqbalay laakiinse gudigii sare ee Carabtu waa diiday, si degdeg ah ayaa waxaa u qarxay dagaal Israel-na waxaa lagu dhawaaqay sanadkii 1948. In ka badan 700,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka carary guryahoodii iyo hantidoodii dagaalkaa darti, kuwaas oo ilaa maanta aan kusoo noqon karin aqalladoodii iyadoo la raacayo shir-eynihii ka dhacay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland 1949 (Lausanne Conference, 1949).
Wixii intaas ka dambeeyay waa la ogaa wixii dhacay, in ay yuhuudu isku qabsatay dhamaan dhulkii Falastiin iyo waliba dhul kale oo carabtii kale ay lahaayeen dagaalkii 6-da maalmood ee dhacay 1967, kadibna ay bilowday siyaasada deegaameynta ee dadkii dhulka lahaa laga dhaxal wareejinayo lana dejinayo Yuhuud soo haajidhay.
Iyadoo laga wada dharagsan yahay waxaas oo lug-gooyo ah oo Ingiriisku ku sameeyay dadka reer Falastiin ayay hadana daba roorayaan oo loo sameeynayaa hishiisyo been-been ah oo waqtga looga dhuminayo, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido”.
Kashmir
Sidoo kale dadka Muslimiinta ah ee reer Kashmiir dhulkoodii wuxuu gacanta u galiyay intii ugu weyneyd Hinduuska kadib markuu laba ukala qaybiyay. Dhibaataduna waxay ahayd asalkeedu markuu arkay Ingiriisku in dalkii India ee uu gumaysanayay uu laba u qaybsamayo (India iyo Pakistan) ayuu wuxuu ka xumaaday in dadkaas Muslimiinta ah ee reer Kashmiir ay lamidoobaan walaalohooda Pakistan. Dadka reer Kashmiir oo ahaa dad aad sabool u ah ayaa sanadkii 1846 waxaa Ingiriiska ka iibiyay dhulkoodii nin Hindi ah oo xukumi jiray oo la oran jiray Maharaja Hari Singh.
Labada dal ee Pakistan iyo India kadib xoriyadoodii dagaal ayaa ka dhex qarxay sanadkii 1948, arintii waxaa soo dhex galay waxa loo yaqaano Qaramada Midoobay waxaana xabad joojin la gaaray sanadkii xigay ee 1949, waxaana lagu dhameeyay in Kashmiir lookala qaybiyo labada dal. Labada dal dhowr jeer bay ku dagaalameen gobolka sida 1947, 1965 iyo 1999, marka laga reebo 1971 oo Pakistan si xun loogu jabiyay dagaalkii ay kaga go’day Bangladesh oo Hindudu Bangladesh-ka taageeraysay.
Dowlada Pakistan waxay ku dooday in dadka ku nool Kashmiir badankoodu yihiin Muslimiin, saa daraadeed ay haboon tahay in iyaga la raaciyo ama laga qaado afti ay kaga tashanayaan aayohooda ayna kor meerto Qaramada Midoobay, laakiin dowlada India waa qaadacdaa mar walba, sababtoo ah waxay ogtahay waxa kasoo baxaya, iyadoo dadka reer Kashmiir yihiin 99% Muslimiin raba in ay raacaan Pakistan.
Waxaa wax lala yaabo ah in dad sheegta in ay u dagaalamaan xorriyada Kashmiir ay xarumo ku leeyihiin London ayna mar walba taageero weydiistaan dowlada Ingiriiska, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido”.
Somalia
Dadka Soomaaliyeed wuxuu u geystay dhibaatooyinkaas oo kale iyo kuwo kasii daran isagoo dhulkoodii qayb weyn oo ka mid ah hadiyad u siiyay Ethiopia iyo Kenya. Dhulka Galbeedka Soomaaliya wuxuu gacanta ugaliyay Ethiopia, isagoo uu jiray hishiis qarsoodi ah oo dhex maray Ingiriiska iyo Itoobiya 1897 laakiin aysan Soomaalidu ka war qabin. Shirkii London ee laqabtay 1945 kadib markii xoogagii Isbahaysigu (USA, Britain, France, Russia IWM) ay ku guulaysteen Dagaalkii II-aad ayuu Boqorkii Ethiopia ee Haile Selassie isagoo gaalnimada (Christianity) ku beer-laxawsanaya ka tuugay ama ka baryay dowladihii meesha isugu yimid in lagu daro Ogadenia iyo Eretria dhulka Itoobiya. Ogadenia waxuu Ingiriisku Itoobiya ku wareejiyay 1948 halka Hawd iyo Kayd (Reserved area)-na uu raaciyay Xabashida 1954.
Dhulka kale ee uu hadiyayda u bixiyay wuxuu ahaa dhulka Soomaaliyeed ee NFD (Magaca waxaa laga soo gaabiyay Northern Frontier District oo ah Degmada Xadka Woqooyi, ahaydna xadkii u dhexeeyay labada gumeyste ee Ingiriiska oo Kenya gumaysanayay iyo Talyaaniga oo K/Soomaaliya gumaysanay). Gumeystihii Ingiriisku wuxuu go’aansady in uu si qasab ah dhulkaa ku raaciyo Kenya oo uu xornimo siiyay 1963 inkastoo 1) ay jireen banana baxyo iyo diidmo guud oo ay dadka gobolku kaga soo horjeedeen go’aankaa, ayna si aad ah urabeen in ay ku biiraan lana midoobaan walaalohooda Soomaaliyeed iyo dowladii cusbayd ee Soomaaliya ka dhalatay 1960-kii ee Jamhuuriyada Soomaaliya, iyo 2) xaqiiqada in NFD ay ahayd walina tahay mid dhamaan dadkeedu asal ahaan kasoo jeedaan Soomaali.
Iyadoo uu Ingiriisku godobtaa xun uu naga galay ayaa waxaa ayaan daro ah in dad ku andacooda in ay u halgamaan qaddiyada dhulalkaa gumeystaha madow haysto ay xarumo ay ku leeyihiin London, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido”.
Waana meeshii uu Ninku kala lahaa:
Jawaan xalay tagay kiish u sidatooy
Marykay waydana war-wareegtooy. War aan loo dirin wal-walaaqdooy
Iilka kii dhigay u dacwootooy!
Intaas oo kaliya noogama harin ee labadii qaybood ee ka xoroobay dhulkii Soomaaliyeed ayuu wuxuu ka shaqeynayaa siduu ukala goyn lahaa isagoo adeegnaya kuwo wax magarato ah oo aan caqli lahyn oo aan ka fakarayn danta dadkooda, dalkooda iyo diintooda waayo midnimada waxa lagu waayay lagu heli mayo kala taga.
Talo xumada iyo mirin-habowga ku dhacday qolayahaas waxay lamid tahay Ninkii ama Naagtii lagu dhaho orodaa Ninkaaga ama Naagtaada iska soo fur kadibana anaa ku guursanaya ama waa isguursnaynaa, markuu falkaa xun ee doqonimada ah uu fuliyana lagu qoslo oo lagu jeesjeeso laguna dhaho kaalay marka gurigayga ka shaqee, dhab ahaana waa dhacday waayo wadankeenii intaan baabi’inay ayaan hada waxaan ka shaqaynaa gurigii cadowgeena, isagoo noo sameeyay qaxootinimo iyo dhalashooyin been-been ah oo uu rabo in aanan mar dambe xasuusan wadankeenii ama aanan midoobin, waayo mar walba waxaad ku tahay dhulkaas aadan lahayn (Second class citizen).
Shaqooyinka Ibliiska weyn ee janada Aabeheen iyo Hooyadeen (Aadan iyo Xaawo) kasoo saaray uu ugu jecelyahay waxaa kamid ah in reero meel degan la burburiyo oo Nin iyo Naag lakala furo, waayo wuxuu ogyahay waxa ka imaan kara oo fowda iyo macsi ah. Waxaa saasoo kale ah dadka raba in ay buburiyaan ama kala geeyaan qaran ishaysta iyo dad wada dhashay ileen qaranku waa qoysas isu tagaye.
Kuwa u tafa xaydanaya shirka London waxaaan la yaabanahay waxay mar walba yiraahdaan waa hishiinay iyagoo maarar badan shirar isu yimid oo ay ugu dambaysay labadii jeer ee ay iskugu yimaadeen Garoowe, ma naftooda ayaysan ku kalsoonayn maxay ka doonayaan dal shisheeye waaba isku yimaadeen waxayna leeyihiin waa hishiinaye. Dhibaatooyinkaas aan kasoo waramay iyo kuwa kaloo badan mar walba cadowgu isagoo kaligiisa ma maleegayn ee daabku innaga ayuu ahaa. Waxaa layiri geed baa yiri: “Gudinyahay ima goyseene gabalkay baa kugu jira”.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa Maqaalkaygaan Gabayga HABAAR QARAN ee uu curiyay (allaha unaxariistee) Abwaankii caanka ahaa ee soomaaliyeed C/qaadir Xirsi Yamyam sanadkii 1988. Abwaanku sida uu sheegay waxa uu gabayga ku habaarayaa dowlada Igiriiska oo uu leeyahay dhibaatadii ka dhacday dalkeena Soomaaliya iyo waliba meelo badan oo Aduunka ka mid ah isaga ayaa mas’uul ka ahaa hor iyo dababa, waayo markii hore waa uu gumaystay oo uu gumeeyay dadkii, hantidoodiina waa dhcay, markii dambe ee ay iska kiciyeena iyagii buu iska hor keenay oo hub iskugu dhiibay xaasadnimo daraadeed iyo in aysan madaxa qaadin. Gabayga oo dheeraa darti waxaan kasoo qaatay dhowr tudcood oo tilmaamaya dhibaatooyinkaas:
Ingiriisku waa horror
Isticmaarka ku hadlee
Hidihiisa nacabkiyo
Wacay hilimadiisii!

Waaguu nahodayee
Naga dhigay shan haybood
Inuu naga haraan qabay
Laakiinse hoogaha
Howshiisa ii taal
Illeen waanan hadinine
Tan hadhee dambaa daran!

Awal buu nin hanad iyo
Waxyaqaan halgama iyo
Geesi hiilla gala iyo
Hebel iga dhammeeyee
Hambadiina maantuu
Wixii haray kukala kacay!

Maharsade e dhagar qabe
Halaq iyo dugaag iyo
Haldhajiyo abeesiyo
Kuwa hoogay oo ba’ay
Hammi laawayaal buu
Hub intuu kusoo roray
Ku hogaamiyoo yiri
Hoygiina soo guba!

Sidaa haadku ii cunay
Ii hambaday waraabuhu
Halista iyo geerida
Maanta igu hawaarsaday
ENGLAND baan u haystaa!!!

Hororada iyo Eeyaha
Afka cudurku uga haro
Inaad haabadood tahay
Jawaab weeye laga helay
Fal ku howlgalkaagii!

Burcadaad hubaysaa
Shuftidaad uhadashaa
Wixii hoog kataliyee
Aadanaha halligayaad
Hantidaada siisaa!

Qarni iyo hal iyo laba
IRELAND waxaad ku haysaa
Aduunyadu ka hadashaa!
NAMIBIA habkaagii
Haraagiyo dhibka ahaa
Eed ku hodday baa wali
Dabku uga huraayaa!

Wadka waxaa kasoo hara
Wadne madaxi haystee
Dhimashadu halkeedee
Hadda laba qof baan nahay!

Illaa tan iyo haabiil
Haybta aadmni sheegtiyo
Hilba ma aan wadaagnoo
Hor allaanu kala nahay!

Inaan kuu hilooboo
Maalin qura ku haybshaa
Iga haniya weeyaan!!!

(.    )
AFFEEF: Waxaan ka cududaarnayaa hadaan gabayga ereyadu siday ahaayeen aan khalday qaar ka mid ah, waayo isgoo qoraal ah ma aanan helin.
ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu naga saaro mixnadaan dhibka badan kuwa noo maleegaya shir-qooladana uu iyaga ku celiyo waxa ay xirxirayaan.


LIKE SHARE SUBSCRIBE COMMENT