Tuesday, March 29, 2016

Bal Arag_ Dhacdooyinkaas ayuu Henry Kissinger ku muteystay Nobel Peace Prize !!

                                                                            


Cadaalada iyo Nabadda Aduunka: Xoghayihii Arimaha Dibada Maraykanka Henry Kissinger waxaa la Gudoonsiiyay Biladda Nabadda (Noble Peace Prize) ee Norway ay bixiso. Bal aan fiirino sababaha Biladda Nabada lagu gudoonsiiyay.
Kissinger wuxu ka dhex muuqday siyaasadda Maraykanka 1969-1977
Dagaalkii Vietnam waxay Maraykanku dileen inta u dhexaysa 455,476 ilaa 1.170,470 
Si loo jaro wadada Cambodia ee ay maraan ciidamada Vietnam ee la dagaalayay Maraykanka, Kissinger wuxu amray duqeyntii Cambodia oo ay ku dhigteen 40,000 oo shacab iyo ciidamo isku jira ah.
Dadgaalkii dhex maray Pakistan iyo East Pakistan (Bangladesh) Kissinger wuxu taageeray oo dhiri galiyay Pakistaan, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 3 Milyan oo qof..
6 October 1973
dagaalkii Israel iyo Carabta, ay uga gudbeen Kanalka Suez ay qabsadeen dhulkii Siinaay, Kissinger wuxu siiyay Israel kaalmo ciidan oo xoog leh, waxayna diyaaradaha Maraykanku ciidamo iyo taangiyo ku daadiyeen gudaha iyo gadaasha ciidamada Masar, ilaa ay 100 u jirsadeen Qaahira, sidaasna waxa ku hungoobay guushii degdega aheyd ee Carabtu ka gaartay dagaalkaas.
September 11, 1973 CIA oo amar buuxa ka heysata Kissinger waxay Chile ka fuliyeen afgambi lagu dilay madaxweynihii la doortay Salvador Allende, waxayna xukunka saareen taliyihii ciidamada Augusto Pinochet oo maalmu gudahood ku dilay 3000 oo qof. 16 sanno oo uu xukunka hayayna wuxu dilay 60,000 qof.
Sidon kale 1976 CIA iyo Kissinger waxay kuxunka Argentina saareen Jorge Videla iyagoo afgambiyay madaxweynihii la doortay Isabel Perón. Ciidamada afgambiga Argentine waxaa ilaa iyo hada gacantooda ku maqan oo nolol iyo geeri aan la heyn ilaa 30,000 oo qof.
1975 East Timor markii ay qornimada ka qaadatay Bortaqiiska, iyagoo uu hogaaminayo xisbiga FRETILIN waxay u janjeersadeen dhankii shuuciyada. Kissinger iyo Nixon oo booqasho ku joogay Indonesia 6dii December 1875, waxay u sheegeen madaxweyne Suharto inuu qabsado East Timor, laakiin uu sugo inta ay ku laabanayaan dhulkooda Maraykan. 7dii December 1975 markii ay gaareen Maraykan ayuu Suhorto qabsadayå East Timor. Hubkii uu ka iibin jiray Indonasiyana waa la sii kordhiyay.
Dhacdooyinkaas ayuu Henry Kissinger ku muteystay Nobel Peace Prize

Maxaa Ka Taqaannaa: Taariikhdda Warshadii Sonkorta ee Mareereey


                                                         


Ma ogtahay in Warshadii Sonkorta ee Mareereey ay aheyd Warshad uu,
Ingiriisku ku rakibay Suudaan 1948. Kadibna ay dowladdii Soomaaliya kasoo
 Gadatay Suudaan kadib Markii ay warshadu duqowday. 
Mase ogtahay inay dalaaliin ka ahaayeen afar nin oo ka kala tirsanaa Dowladii xiligaas,
 Dowladihii 1960s iyo ganacsato, kuwaasoo dalaal u qaatay lacag dhan $3 million.
 Dabcan lacagtaasina waxay wada gaartay dhamaan xubnihii dowladda ee xiligaas ay quseysay Ansixinta iyo howlgalinta Warshadaas.