Saturday, May 16, 2015
Daawo Sawirada'' Wadooyinka iyo Luuqyada Magaalada Bujumbura oo lasoo dhoobay kumanaan kun oo Ciidan ah
Iyadoo uu maalmo ka hor fashilmay afgembi la doonaayay in xilka looga eryo Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa waxaa hadana soo baxaayo amaro kala duwan oo ay bixinayaan Madaxweynaha iyo Saraakiisha Dowladdu ku jirta marxalad feejignaan ah.
Amar kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada ayaa waxaa gabi ahaan Magaalada lagu geeyay Ciidamadii ugu badnaa oo min guri iyo luuq la dhigay kuwaasi oo amar lagu siiyay inay baaran cid waliba oo adeegsaneysa wadooyinka waaweyn iyo guryaha.
Ciidamada lasoo daadiyay oo kor u dhaafeysa 25 Kun ayaa waxa ay isugu jiraan Militeri, Boolis iyo kuwa kale ee sida gaarka ah u tababaran waxa ayna si bareer ah u beegsanayaan goobaha looga shakisan yahay inay ku dhuumaaleystaan dadka u horseedaya Afganbiga.
Ciidamada Militariga, ayaa waxaa lagu arkayaa iyagoo gaafwareegaaya wadooyinka, waxayna maanta ka hortaggeen dad isugu soo baxay inay dhigaan banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha.
Xaalada dalkaasi ayaa weli ah mid hal lug ku taagan, waxaana xusid mudan in inta badan Ciidamadu ay yihiin kuwo u jaran-jeera dhanka Saraakiishii shaaciyay in dalka laga afganbiyay Dowlada hada heysa.
Dowlada Mareykanka, ayaa Madaxweyne Pierre Nkurunziza ka codsaday inuu ixtiraamo Dastuurka Burundi, oo qeexaaya inaanu xilka isku soo sharaxi karin, wax ka badan laba jeer.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment