Tuesday, December 9, 2014

Dooda Fagaaraha Minnepolis oo looga hadlay awood qaybsiga Gudoonka Baarlamaanka Somalia (Sawirro&Muqaal)

Minnepolis(pp) Dooga Fagaaraha qaybteeda 14-aad oo ka dhacday Magaladda Minnepolis ee Dalka Maraykanka ayaa looga dooday awood qaybsiga gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kusoo aadaysaa xili dhowaan codka kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.
Doodan ayaa waxaa ka qayb galay Dr. C/llaahi Cusmaan Xiirey, Faysal Rooble iyo Maxamed Cabdi waxayna si qoto dheer uga hadleen Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya u baahan tahay, awoodaha gudoonka Baarlamaanka iyo sida aymuhiim ugu tahay nidaamka Federaalka inuu dadka Soomaaliyeed isagu keeno hal meel isla markasna laga wada hadlo dhibaatooyinka taagan ee u baahan in laga gudbo.
Haddaba halkan ka daawo Barnaamij hal saac soconaya oo Sakariye Aadan Dooda Fagaaraha ka diyaarshay.

No comments:

Post a Comment