Sunday, July 6, 2014

SAWIRRO:Marwada Madaxwaynaha Dowlada Puntland Marwo Hodan Siciid Ciise oo Siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe


                                                                 









July 5, 2014 - Written by    Badbado Instition Central Of Diaspora
Waxaa Maanta Siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Puntland Marwada Madaxwaynaha Dowladda Puntland Prof:Hodan Siciid Ciise .
Soo dhaweynta loo sameeyay Marwada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Haweenka,Wasiirka Wasaasarada Dastuurka iyo arimaha Fadaralka,Wasiirka Dekedaha,Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland.
Dhanka kale soo dhaweynta waxaa iyana ka qayb qaatay Ururka Haweenka Gobolka Nugaal,Waxgarad,aqoonyahano iyo Dadweyne kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Marwada Madaxwaynaha Dowladda Puntland.
Prof:Hodan Siciid Ciise ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay la hadashay Warbaahinta,waxana ay si aad ah ugu mahadcelisay dhamaanba dadkii ka qayb qaatay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland.

No comments:

Post a Comment