Monday, November 11, 2013

Puntland:- Musharax Dr-Shire Xaaji Faarax oo si Diiran Magaalada Nairobi loogu soo Dhaweeyay +Sawiro

Waa kum Dr-Shire Xaaji Faarax Yuusuf ?

Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhashay magaalada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari sannadkii 1955dii.  Wuxuu heystaa shahaada Bachelor Degree ee culuumta beeraha iyo caafimaadka xoolaha.
Shire hadda waa ganacade wuxuu mudo ka badan 20 sano uu ka shaqeynayey wasaaradda caafimaadka ee dawlada Imaaraadka Carabta isagoo tobankii sano ee u dambeeyayna ka shaqeynayey hawlaha ganacsiga isagoo ka mid ahaa aas aasayaashii shirkado ganacsi oo waaweyn oo fadhigoodu yahay wadanka Imaaraadka Carabta.
Doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa hadda waxaa ka harsan mudo labo bilood ah, waxaana hadda socda ololayaasha ay sameynayaan musharixiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha.
 
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax oo ah Musharax u Taagan Hogaanka Sare ee PL ayaa maanta si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya, Jaaliyadda Reer PL ee dalkaasi ku dhaqan oo Kaashanaysa Gaancsato iyo Safaraada Somaliya ee Nairobi ayaa Musharax Garoonka kaga Hor-tegay.
Hadal Kooban oo uu Jeediyay Ayuu Sheegay inuu Aad iyo aad ugu Faraxsan yahay Sida Wanaagsan ee Jaaliyada Reer PL ay ugu soo dhaweeyeen dalka Kenya,Wuxuu xusay in PL u baahan tahay Isbedel Muuqda oo dhab ah isla markaana Isbedelkaasina uu ku iman Karo Buu Yiri Hadii looga shaqeeyo si Nabad iyo Cadaaladi ku dheehan tahay.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax Waa Ganacsade Mudo degenaa dalka Emaratka carabta,waxana uu dhawaan  Magaalada Dubai ka shaaciyay inuu u Ordayo Xilka Madaxtinimo ee PL ka dib Dalab ka Yimi Shacabka Gobolada PL.
Musharax ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi kula Kulmo Saraakiil Ka Tirsan Beesha Caalamka si looga wada hadlo Qabsoomida Doorashada Puntland.

Sunday, November 10, 2013

Qamaarka Siyaasadeed ee ka jira Villa Somaaliya!!

Markii la doortey Dowladda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Sannad ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo si aad u soo dhaweeyey Dowladaas, iyagoo Rajo Wanaagsan ka muujiyey in Isbedel weyn oo Siyaasadeed uu Dhici doono gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya mar haddii Hogaankii Dalka loo dhiibey qof si aad ah ugu soo dhex jirey mudadii Laabtanka Sanadood ahayd wixii ka dhacay Soomaaliya islamarkaana wax badan ka og Dhibaatada Soomaaliya ,hase yeeshee Bulshada Soomaaliyeed waxay Niyad jab ka muujiyeen markii ay soo muuqan waayeen waxa Isbedel oo la taaban karo ha noqoto Arrimaha Siyaasadda , Nabadgelyada , iyo Dhaqaalaha, iyadoo Dadka qaar ay leeyihiin in Xaalada Soomaaliya ay ku sii dhaceyso God Haadaan ah oo aad u dheer .
Soomaalidu waxay Tiraahdaa Fuley Xantiisa ma Mooga , waxaana Murtidaan u soo qaatey in Dowladda aysan moogeyn Xanta Dadweynaha oo qaar ka mid ah dadkaasi ay sheegayeen in Dowladaan ay ahayd mid si aad loogu hamuun qabey mar ka fiiriyo arrimo fara badan oo dadka ay ka sugayeen Dowladda in aysan wax ka qaban, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadan waxaa jira arrimo Daahsan oo ku Aadan Siyaasadda Soomaaliya ,waxayna qaar ka mid Bulshada ay sheegayaan in maanta is qabqabsiga Siyaasadeed ee Dowlada ka dhex jira min Dowladda , Xukuumada iyo Baarlamaanka , waxaana socda Olole Siyaasadeed oo Qar iska Tuurnimo ah oo aan la Ogeyn halka uu ku Dambeyn doonto , waxayna dadka u Dhuun Daloola Siyaasada ay leeyihin in uu jiro Khilaafyo Siyaasadeed oo keeni kara in Gebi ahaanba Burburta Dowladda
Rag Siyaasayiin ah oo doonaya in ka Faa’iidaan Qamaarkaas Siyaasadeed ayaa haatan ka dhex Muuqda Qamaarkaas Siyaasadeed ee aan weli soo shaacbixin hase yeeshee si aad ah looga dareemayo Xarunta Madaxtooyada waxayna Siyaasiyiin ay noo sheegeen in Heshiis hoose uu Dhex marey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mid ah Aasaa-Sayaashii Dowlada maanta Jirta oo lagu Magacaabo Faarax Cabduqaadir ahna Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,waxaana uu hesiiskaas uu dhigayaa in Shariif Xasan uu ka shaqeeyo Mooshin ka dhan Wasiirka Koowaad oo ay Wadaan Garab ka mid ah Damo Jadiid oo uu Hogaaminayo Faarax Cabduqaadir, Sidoo kale waxaa Kulan qarsoodi ah wada yeeshey Faarax Cabduqaadir iyo Shariif Xasan waxaana Kulanakaas la isku Afgartey in si wadajir looga shaqeeyo in marka la rido Wasiirka Koowaad ka dibna la rido Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu heshiiyey in Faarax Cabduqaadir uu hal Milyan oo Doolar uu siiyo Shariif Xasan si ay ugu suurta gasho Qorshahaas Fulintiisa , iyadoo Lacagtas loogu talagaley in lagu Furdaamiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qorshaha Qamaarka Soyaasadeed ee Socda ayaa Siyaasiyiinta u Dhuun Daloola arrimaha Siyaasadda ay leeyihiin in Ridista Raiisul Wasaare Saacid ay Damo-Jadiid ku kala Qayb sameen iyadoo kooxda Faarax Cabduqaadir ee wata Qorshahaan ay doonayaan in Fashilka Siyaasadeed ee haatan haysta Dowladda Xasan Shiikh Dhamaan Duudka ama Dhabarka loo saaro Raiisul Wasaare Saacid ,waxaana sidoo kale Qorshahaan ay wataan Damo Jadiid Garabka Faarax Cabduqaadir uu yahay in la keeno Rasiiul Wasaare Daacad u ah Damo Jadiid , waxaana la sku Afgartey Raiisul Wasaaraha laga Dhigo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , waxaana Qorshaha Faarax Cabduqaadir la Dhacsan oo ku taageersan wasiirka Arrimha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed , hase yeeshee Koox kale oo uu Hagaanka uu u haye Maxamed Nuur Gacal oo ah Wasiiro Dowlaha Arimaha Dibada ayaa qaba in aysan habooneyn in la Xiligaan la rido wasiirka Koowaad isagoo sheegey in aysan ku jiran Danta ummada Soomaaliyeed iyo mida Dastuurka ,waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Isku Shaandheyn kooban oo dhinaca.
Kooxda uu Horkacayo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxay leeyhiin in Dalka uu ku jiro Xaalad adag Dhinaca Nabadgelyada , Dhaqaalaha iyo Siyaasadda marka waxay soo jeediyeen in aan la taaba taaban arrimaha qaar maadaama Waji Gabax lagala Kulmey in Iscasilaadii Gudoomiyaha Banki-ga Dhexe ka dib markii rag la Hayb Madaxweynaha ay hanjabaad iyo caga Jugleyn u Gudbiyeen Yusur Abaraa sida hore ugu Sheegtey Warbaahinta , waxayna Iscasilaadaas keentey in Wadamadii Lacagaha ugu Deeqey Soomaaliya ay diideen in ay wax lacag ah ku Shubaan Bangigga Dhexe Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Garabka Farah Cabdulqaadir ee Damul-Jadiid ay ilaa & hada ku adkaysanayaan in xilka laga qaado Raiisul Wasaare Saacid waxaana dadka Siyaasada Odorasa sheegayan in arrinkaas uu keen karo isku dhac Siyaasadeed oo dhex Mara Raiisul Wasaare Saacid & Hassan Shiikh sidoo kale ay keeni karta in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo Dagaalka Siyaasadeed ee taagan balse u keeni karto in uu Saameyn ku yeesho islamarkaana Khilaafkaasiuu Daba dheeraado oo Xal laga gaari waayo Arrimaha Soomaaliya Rajadii ay dadka qabeen ay meesha ka baxdo
Xaaladahaas taagan oo ay ugu horeysa Beesha Caalamka oo si aad ah uga walwasan Iscasilaadii Gudoomiyha Banki-ga Dhexe Yusur Abraar iyo Qamaarka Siyaasdadeed ee ka jira Xarunta Madaxtooyada iyo Talooyin ay u soo jeediyeen Ganacsato iyo Siyaasiyiin fara badan Madaxweynaha Soomaaliya oo laga Dhega Fureystey,Dadka Idha Indheeya ama Odoroso Siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin waxay arrintaas soo dedejineysa in Beesha Caalamka uu Dejyo Road Map-Cusub si loo soo Hormariyo Doorashada Madaxweynaha , Hadaba la rkii doonee halka uu ku dambeyn doono Qamaarka Siyaasadeed ee ay wataan Faarax Cabdiqaadir iyo Shariif Xasan sidoo kale iyana waa la arki doonaan waxa ay Beesha Caalamka ka bedeleen Siyaasadda isku Milqan ee Soomaaliya

Saturday, November 9, 2013

DR: Gaas Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoeeyay Gaalkacyo Puntland=)

“The only reason to give a speech is to change the puntland....(MUSHARAXDr:Abdiwali Ali Gaas _ & Abdulahi Ciid Osman)
When one door closes another door opens, but we so often look so long and so regretfully upon the closed door, that we do not see the ones which open for us.”

Friday, November 8, 2013

Every man gotta right to decide his own destiny.:) DR:Shire Haji Farah

madax waynaha  ...Shire Haji Farah
 2014ka Dr shire xaaji faarax mudane madax wayne so dhawoowe puntland way kusugaysaye 15 sano!

Monday, November 4, 2013

Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 .Shire Haji Farah _ Most well come Aqoonayahan siyaasi ruug cadaa!

Waan idiin salaamay kulligiin, waxaan maantey kaga dhaqaaqay magaalada Dubai in aan ahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 Haddii Alle Idmo. Ma ahan Go'aan aan si fudud u qaatey, waxaa igu wayn midnimada iyo horu-marka dadka Reer Puntland, Waxaandadkayga u wadaa barnaamij ku salaysan Nabad iyo Horumar.
Ducadiina iyo taageeradiinu waa ii muhiim.
Waad mahadsantihiin
Puntland Guul iyo Horumar                          

Saturday, November 2, 2013

Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland?

Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!

Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?
Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland? Mise Faroole ayaa mudan in uu Garsoore ka noqodo doorashadaa, waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay, darajana Qabiil tahay dulmi xaqa kala mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.
Hadaba sidee Ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka Doorashada, sidee Ninki loolanka ku jiraa Amniga u sugi karaa, ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland, xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland? Musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya Amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan?
Hhaddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah Arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo Doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika, iyada oo la ogyahay Garoowe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu fududahay in uu maroorsado talada Puntland.
Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan Siyaasadeed oo abuurikara Dagaal ama Colaad ku habsata shacabkaa waayay hogaan xalaal ah balse Doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF, haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex Urur qabiil sida Jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo Warsabgeli eey lahaayeen Jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi, sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND (Ortoble iyo Leeyla-Kase), hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen Dhismaha Maamulka Puntland, xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii Cabdiweli ahaa R/wasaare.
Qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase ) ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo Cabdiweli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1&2, xiligaan waxaa muuqda in Faroole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada, waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland, waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa Madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna  ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo, iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay Madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland.
Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan Shisheeye oo aana Sumcad iyo xurmo ku laheeyn Soomaaliya sida Shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal South Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii Cabdiweli Gaas iyo Qaramada Midoobay ay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland.
C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay Shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay Shirkii Garowe 1&2 Suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli ahaa R/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa Maanta keenay in leeyskaga horyimid kadib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada Madaxweeynaha dowlada federaalka? Akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba, waan sidaan u arko arinta...
Cabdiweli mar uu isku soo taagayay Musharxnimada Doorashada Maamulka Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay Caalamka, waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Soomaali ee Talyaaniga tiil, hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 Sanno loo ururinayay Soomaali, C/weli waxaa uu Ummada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa R/wasaare Soomaali ee uusan aheeyn R/wasaare Puntland
Waxaa uu qiray in Hanti farobadan oo loogu talo galay dib u dhiska Gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa E/dowlo ka mid ahaa Wasiirada Dowladda ku meelgaarka aheeyd, alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.
Dowlada dhexe oo ah Dowlad aan KMG aheyn waxaa quman in aay Puntland Colaada iyo Saxansaxada Dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay Mas'uul ka tahay dhamaan Shacabka Soomaali, dowlada dhexe hogankeeda waxaa doortay dhamaan Odayada dhaqanka ee Somali sida Iimaan, Ugaas Isim, Garaad iwm sabbabta oo ah Odayaadaa waxaa aay dhaleen Xildhibaanda Federaalka oo ka kooban dhamaan Somali sidaas awadeed xildhibaanada Somalia waxaa aay awooda hogaanka u doorteen Prof. Xassan iyo Jawaari halka Dr,Saacid laga soo dhex xulay shacabka Somalida.
So ma qumana Dowlada sidaa ku timid oo mataleeysa dhamaan Somali in aay Garsoor ka noqoto Doorashada Puntland dhistana gudi dhexdhexaad ka ah doorashada Puntland, gudi awoodiisa tahay ilaalinta Masuqmaasuqa iyo awood iskugu shaagashada Doorashada.
Haddii Dowlada dhexe gabto howshaa waxaa soo baxeysa in awooda dowlada dhexe noqoto magac u yaal, dhismaha Jubba in aay ku howshaa midka Puntlandna ka jiifataa waa waxa laga baranayo Dowlada dhexe, waxaana soo baxeeysa aayaha danbe in dowlada dhexe aayan awood ku lahaan dhismaha Dowladgoboleeyada sida Gobollada Dhexe, Hiiraan ama Ex Banaadir.
Ddadka ayaga ayaa sameeysanayaa Maamulkooda balse Dowlada dhexe waa in aay marqaati ka noqotaa oo aay xalaaleeysaa hogaanka lagu heshiiyay in uu ku yimid dariiqii xalaasha ahaa, waxa Khaatumo loo diidan yahay in aay ka tashadaan aayahooda, dowlada dhexe waa ku waajib in aay taageeraan Shacabka Khaatumo oo u istaagay midnimada iyo dhowrida ama xafidida Calankii Somali, waxeey diideen Calanka Puntland waxeeyna ogol yihiin Calankii soo jireenka ahaa xaqiiqdiina waa aay u dhinteen, dowlada dhexe waa in aay garab istaagtaa Shacabkaa dulman cadeeysaana xaqooda ka mid ahaanshaha Dowlada Fedraalka.
Xildhibaanada Puntland kaga jira Dowlada Dhexe ayaa laga rabaa in aay kala tashato dowlada dhexe sidii door Shariif ah ugu qaadan lahaayeen loolanka Siyaasadeed ee Puntland, waxaad arkeeysaa in jajuub leeysku hayo, idaacadaha leeysga dhiibayo hadalo aan ku qumaneeyn muraxiinta Puntland, Cabdiweli waxaa uu adeegsaday alkoliistayaal ayaa soo xukumay Puntland halka Faroole dhahayo Buufiskii daawadii ayuu soo iloobay, waa Nin daawo ku socdo.
Allow Sahal umuuraha.
Bureau for Somalian People's Development
                           
          Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!
Dr. Cali. A. Hirabe - Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?