Wednesday, April 23, 2025

Turkigu xitaa Somaliya ma siin wax ka badan $2 bilyan

      


﷽ ✍ #Thetruth!

𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐮𝐱𝐮 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮 𝐡𝐚𝐧𝐭𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚. 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱-𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧, 𝐰𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲. 𝐖𝐚𝐚 𝐊𝐚𝐧 𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐋𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.


Heshiiskii shidaalka ee u dhexeeyey dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyey kadib markii loo gudbiyey Baarlamaanka Turkiga. Waxaana si cad u muuqata in Turkigu helay xuquuq dhaqaale oo ballaadhan, isagoo si aan xadidneyn xaq loogu siiyey kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.


𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐮𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚:


𝟏: 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐆𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐀𝐚𝐧 𝐋𝐚𝐥𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐦𝐢 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐧: Turkiga waxaa la siiyey xuquuq gaar ah oo uu keligii sahmin karo, horumarin karo, ugana soo saari karo shidaalka gudaha Soomaaliya iyo baddeeda. Ma jirto cid kale oo heli karta xuquuqdaas – waa monopoly buuxa.


𝟐: 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐪𝐮𝐥 𝐐𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐖𝐚𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐚𝐲: Turkigu ma bixinaayo wax lacag ah oo la xidhiidha saxiixa heshiiska, horumarinta, ama wax-soo-saarka – khidmadahaas oo dalalka caalamku sida caadiga ah malaayiin dollar kaga helaan shirkadaha shidaalka.


𝟑: 𝐊𝐡𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚: Caadiyan shirkadda maalgashanaysa ayaa bixisa kharashaadka bulshada iyo tababarka, hase yeeshee heshiiskan waxa si gaar ah u dhigaya in kharashaadkaasi noqdaan kuwa “la soo ceshan karo” – taas macnaheedu yahay in Soomaaliya ay iyadu bixiso kharashkaas.


𝟒: 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝟗𝟎% 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐡𝐨𝐫 𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠: Kahor inta aan wax faa’iido ah la wadaagin, Turkigu waxa uu qaadan karaa ilaa 90% wax-soo-saarka shidaalka si uu u daboolo kharashaadkiisa. Soomaaliya waxba kama helayso ilaa Turkigu uu si buuxda u soo ceshado kharashkiisa.


𝟓: 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝟓% 𝐊𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚: Marka heerka faa’iido wadaagga la gaadho, Soomaaliya waxay heli doontaa ugu badnaan 5% oo khidmad ah ‘royalty’, taasoo si aad ah uga hooseysa heerka caalamiga ah ee u dhexeeya 10% ilaa 15%.


𝟔: 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐖𝐮𝐮 𝐆𝐨’𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐡𝐚𝐲: Haddii Soomaaliya dejiso sharci cusub oo kordhinaya kharashaadka Turkiga, lacagtaasi si toos ah ayaa looga jari doonaa faa’iidada Soomaaliya. Taas micnaheedu waa in Soomaaliya aan xitaa xor u ahayn inuu is-difaaco sharci ahaan.


𝟕: 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐗𝐨𝐫 𝐮 𝐘𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚: Heshiiska waxa uu siinayaa Turkiga xorriyad buuxda oo uu shidaalka u dhoofin karo meel kasta oo uu doono, iyadoo Soomaaliya aan wax go’aan ah ku lahayn maamulka ama suuq geynta shidaalkaas.


𝟖: 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐀𝐲𝐚𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐒𝐚𝐡𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚: Qodob ka mid ah heshiiska wuxuu ogolaanayaa in Turkigu ciidamo usoo diro si ay u sugaan goobaha shidaalka – waa fal xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka.


𝟗: 𝐊𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟 𝐖𝐚𝐥𝐛𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐗𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐧𝐛𝐮𝐥 𝐤𝐮 𝐓𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚: Dacwad kasta oo ka dhex dhalata labada dhinac waxa lagu go’aaminayaa maxkamad Turkigu martigelinayo, taasoo meesha ka saaraysa madax-bannaanida sharciga Soomaaliyeed.


Heshiiskani wuxuu Soomaaliya gelinayaa xaalad gumeysi dhaqaale oo casri ah. Waa heshiis aan caddaalad ahayn, aan sharciyad qaran lahayn, dunida ma jirto cid heshiish noocan gashaa. Dawladda Ukraine waxay diiday heshiis macdaneed oo Mareykanku rabay 50% faa’iido ah, inkasta oo Mareykanku siiyey Ukraine taageero dhaqaale iyo milatari oo ku dhow $200 bilyan, kana difaacay duullaanka Ruushka.


Turkigu xitaa Somaliya ma siin wax ka badan $2 bilyan.





Cabsidda Cusub Ee Dollar ka !

       


﷽✍ 📢 #Warning!🚨

  Lacagaha Maalqabeenadda Ciraaq ee bangiyada Mareykanka waxaa lahaan doona dadka Mareykanka.


 Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in dhaqaalaha siyaasiyiinta Ciraaq ay ku xareeyaan bangiyada Mareykanka ay hadda yihiin hantida shacabka Mareykanka, taasoo magdhow u ah dhiigii iyo naf-hurnimadii askarta Mareykanka ee Ciraaq.


 Waa kuwan liiska qaar ka mid ah lacagta lagu eedeeyay sida lagu daabacay bogga Khasnadda Maraykanka:


 👉Nuri al-Maliki: $66 bilyan

 👉Adnan al-Asadi: $25B 

 👉Saleh al-Mutlaq: $28B 

 👉Baqir al-Zubeydi: $30B 

 👉Baha al-Araji: $37 bilyan

 👉M. Al-Daraaji:     $19B

 👉Hoshyar Zebari: $21B 

 👉Mascuud Barzani: $59B 

 👉Salim al-Jubouri: $15B 

 👉Sadoun al-Dulaimi: $18B 

 👉Faaruuq al-Araji: $16B 

 👉Adil Abdul-Mahdi: $31B 

 👉Osama al-Nujaifi: $28B 

 👉Haider al-Abadi:

    $17 bilyan

 👉M. al-Karbuuli: $20 bilyan

 👉Axmed Nuuri al-Maaliki:    

     $14 bilyan

 👉Tarek Najm:     $7 bilyan

 👉Cali Al-Allaq:    $19 bilyan

 👉Cali al-Yasari:   $12 bilyan

 👉Xasan al-Anbari: $7 bilyan

 👉Iyad Allawi:       $44 bilyan

 👉Jalal Talabani:  $35 bilyan

 👉Raafi Al-Cisaw: $29 bilyan


 Wadarta guud: $597 bilyan*


 Xaalad argagax leh ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsatay shaqsiyaad caan ah oo ku baahsan Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, iyo Baxreyn.

 Iyada oo la isku dayay in si deg deg ah lacagaha looga wareejiyo Mareykanka, xitaa khasaarooyin la taaban karo.  

Arrintan ayaa sidoo kale keentay cabsi baahsan oo ka jirta dalka Switzerland oo laga cabsi qabo ammaanka bangiyada caalamka.

Maadaama sirta xisaabaadka bangiyada caalamiga ah ay soo food saartay khatar weyn, taa soo meesha ka saartay kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.