Thursday, June 29, 2017
The Confessions of Spy Masters: CIA’s Tennent Pete Bagley
✔ LIKE ✔ SHARE ✔ COMMENT The Confessions of Spy Masters: CIA’s Tennent Pete Bagley & KGB’s Sergei Kondrashev
Monday, June 19, 2017
WAA KUMA SHAKHSIGA KA DAMBEEYA MOOSHINKA LALA DAMACSAN YAHAY RA’IISUL WASAARE KHEYRE?
WAA KUMA SHAKHSIGA KA DAMBEEYA MOOSHINKA LALA DAMACSAN YAHAY RA’IISUL WASAARE KHEYRE?
__________________________________
✔ LIKE ✔ SHARE ✔ SUBSCRIBE ✔ COMMENT
Monday June 19, 2017
Tan iyo markii la magacaabay bishii March sannadkan ra’iisul wasaare Kheyre, waxaa khilaaf aan dibadda soo bixin u dhaxeeyay isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Khilaafka labada dhinac ayaa bilaawday markii uu Kheyre ka reebay golihiisa wasiirrada Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday wasiirka Maaliyadda dawladdii Xasan Sheekh Maxamud, islamarkaana waxa ay saaxiibo dhaw yihiin Jawaari oo booskaas la damacsanaa saaxiibkiisa.
Kheyre ayaa ku adkeystay go’aanka ah in uusan waxba ka beddelayn, uuna dib usoo magacaabi doono marka isku shaandheynta uu sameynayo Lix kaddib magacaabistooda.
Wixii intaas kadambeyay Jawaari ayaan waji wanaagsan u hayn dhiggiisa Kheyre, waxaana illo ku dhaw Villa Hargeysa ay sheegayaan guddoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshaha guud ee Mooshinka looga keenayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxwayne Farmaajo ayaan diyaar u ahayn in uu fara geliyo khilaafka u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga yaabo in uu isku beddelo Mooshin marka July dib ay iskugu soo noqdaan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu warqad usoo diray Jawaari ay ku qoran tahay in qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ay damacsan yihiin Mooshin ka dhan ah xukuumadda Khayre.
Wednesday, June 7, 2017
Iran Revolutionary Guards blame Saudi Arabia for deadly attacks in Tehran
Iran Revolutionary Guards blame Saudi Arabia for deadly attacks in Tehran
----------------------------------
Iran’s Revolutionary Guards have accused Saudi Arabia of masterminding the deadly attacks in Tehran on Wednesday, in which at least 12 people were killed. Earlier the terrorist group Islamic State claimed responsibility for the attacks.
"This terrorist attack happened only a week after the meeting between the U.S. president (Donald Trump) and the (Saudi) backward leaders who support terrorists. The fact that Islamic State has claimed responsibility proves that they were involved in the brutal attack," said the statement, cited by Reuters.
Earlier, Brigadier General Hossein Salami, IRGC deputy commander, pledged retaliation for the attack.
“Let there be no doubt that we will take revenge for today's attacks in Tehran, on terrorists, their affiliates and their supporters,” he said, as cited by the news agency Mehr.
Twelve people were reported killed and 43 injured in gun and bomb attacks in the Iranian capital. The perpetrators targeted the Iranian parliament and Ayatollah Khomeini’s shrine.
Both attacks were claimed by Islamic State (IS, formerly ISIS/ISIL), the jihadist organization based in Iraq and Syria. Iran supports both countries in their fight against IS. The attacks in Tehran were the first that IS had claimed responsibility for in the Shiite Islamic republic.
Tuesday, June 6, 2017
Monday, June 5, 2017
Sacuudiga VS. Qatar:
Loolanka Sacuudiga iyo Qatar: Saameynta ka dhalatay & Go’aanka Soomaaliya laga rabo iney qaadato
----------------------------------
Maanta waxaa ay carabta ku soo toostay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Qatar, waxaa dib ugu soo biiray Yemen, hadda waxaa socdo xulufeysi oo dalal ayaa ku kala biiri kara labada dhinac, arrinta mar haddii ay sidaasi tahay, waxaa haboon in aan ka hadalno sida ay tahay in Soomaalida yeesho iyo halka ay maslaxadda qaranka ku jirto.
Sacuudiga waa dalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu booqdo doorashada kadib halka Qatarna ay tahay dalkii ugu dambeeyay ee uu booqasho ku tago, labadaba waxaa ay Soomaaliya la wadaagnaa xiriir soke, labadaba waxaa ku nool jaaliyad badan, labaduba waxaa ay ballan-qaad u sameeyeen dowladda cusub, Hadaba dalkee ayey tahay in Soomaaliya sal dhigato? Halkee maslaxadeeda ku jirtaa? inta aan su’aalahani ka jawaabin akhriso waxa la isku heysto!!
Billowga Khilaafka:
Maalmo kadib, shirkii Riyaadh gaar ahaan May 24-keedii waxaa wakaaladda Qatar lagu baahiyay hadalo uu sheegay Amiir Tamiim-ka Qatar oo ka careysiiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, arrintaas oo Doxa markii dambe beenisay, sheegtana in bogga wakaaladda wararka ee qaranka la jabsaday.
Dagaal Afka Ah:
Qoraalka ay Doxa beenisay kadib, warbaahinta Imaaraadka, Sacuudiya iyo Masar waxaa ay dagaal afka ah ku qaadeen Qatar, iyaga oo falanqeyn joogta ah ka sameynayey hadalkii Amiirka ee ay Doxa beenisay iyaguna ay rumeysteen.
Warbaahinta Sacuudiga waxyaabaha ay qoreen waxaa ka mid ahaa, qoraal ay soo saareen qoyska Aala-Sheekh ee ku abtirsada Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab kuwaas oo iska fogeeyay in Amiirka Qatar uu ka tirsan yahay Aala Sheekh, iskuna farac yihiin, sida uu Amiirka horay u sheegay.
SKY News qeybta Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa warbaahinta sida weyn uga hadashay, lana safatay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaa intaa dheeraa in dalalka hadda xiriirka u jaray Qatar ay hawada ka saareen Telefishinka Al-jazeera iyo bogag badan oo kale.
Al-Jazeera Oo Afka Furatay:
May 28, 2017: Al-Jazeera waxaa ay daabacday Farshaxan muujinaya Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Mareykanka…in kasta oo Al-Jazeera markii dambe ay tirtay, sheegtana in si qaldan loo fasirtay, cudur daarna ka bixisay.
Maalin ka hor, Shabakadda Al-Jazeera waxaa ay soo bandhigtay sir laga helay Emailka la jabsaday ee Safiirka Imaaraadka ee Washington oo sheegeysa in Imaaraadka ay olog kula noqdeen Isra’il in Qatar la sumcad dilo oo lagu eedeeyo taageerista argigixisada.
Qoraalka Emailka Al-jazeera ay baahisay, waxaa la sheegay in Imaaradka uu diidanaa Shirka Xamaas ee ka dhacay Qatar isla markaana ay dadaal ugu jirto sidii saldhigga military ee Mareykanka looga rari lahaa Qatar.
Warbixinta lagu daabacay Al-jazeera waxaa ku jirtay in Imaaraadka uu lug lahaa inqilaabka ka dhacay Turkiga ee la doonayey in lagu diro Erdogan.
Asalka Loolanka Sacuudiga iyo Qatar:
Sacuudiga iyo dalalka kale ee xiriirka u jaray dalka Qatar waxaa ay Doxa ku eedeeyaan xiriirka ay la leeyihiin xarakada Ikhwaanka, guud ahaan Islaamiyiinta iyo dalka Iran…..kaalinta Qatar ee Libyan, Suuriya iyo Yemen meesha kama marna…xiriirka Qatar iyo Turkiga waa arrin kale.
Xiriirka Ikhwaanka iyo Islaamiyiinta:
Qatar waxaa lagu heystaa xiriirka ay la leedahay Xarakada Ikhwaanka Muslimiinta, Xarakada Dhaalibaan iyo kooxo kale oo reer galbeedka iyo dalal Carab ay ku dareen liiska kooxaha argigixisada, halka Doxa ay mar walbo sheegto in aaney macquul aheyn in koox kasta oo mucaarad ah lagu daro liiska argigixisada iyada oo isku fogeysa in ay xiriir la leedahay kooxo argigixiso ah.
Qatar waxaa kale oo ay xiriir la leedahay kooxo badan oo Islaamiyiin ah oo ka dagaalamaya bariga dhexe iyo Afrika, sidaasi waxaa ku eedeynaya Sacuudiga, Masar iyo dalal kale, tiiyoo keentay xitaa in gudaha Mareykanka gaar ahaan Cogress-ka ka hadlo xiriirka Doxa iyo waxa loogu yeero argigixisada.
Xiriirka Iran:
Dalka Qatar waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa Iran, mana qarsadaan arrinkaas, todobaadkii tagay warbaahinta Iran waxaa ay baahisay xiriir dhanka Telefanka ah oo dhex maray Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Iran, ninka hore waxaa uu sheegay in dalkiisa ka go’antahay wanaajinta xiriirka labada dhinac.
Saameynta Loolanka Cusub:
Dhibaatadan cusub malaha oo keliya saameyn siyaasadeed ee waxaa kale oo ay yeelan doontaa saameyn dhaqaale, mid ganacsi iyo mid bulsho, tusaale ahaan Jaaliyadda Masar ee Qatar waxaa ay ka badan yihiin rubuc Milyan qof, waxaa su’aal ka taagan tagay aayahooda, Khaliijka waa dalal isku xiran, waana adagtay in sidaasi ay wax ku sii socdaan.
Maxay Tahay Kaalinta Jaamacadda?
Jaamacadda Carabta waa urur aanan awood laheyn, marka ay sidan dhacdo waa isku dhex yaacdaa waayo xaruntooda waa Qaahira, dalalkii ugu weynaa carabta sida Masar iyo Sacuudiga ayaa isku dhinac maray, laakin xeerka Jaamacadda waxaa ku qoran sidan:
Iyada oo la adkeynayo xiriirka dalalka Carabta iyo adkeynta isku xirkooda, waa in dal walbo uu ixtiraamo qaranimada iyo madaxbannaanida dalalka kale iyo in dadaalka la isugu geeyo waxa uu kheyr ugu jiro Carabta oo dhan.
Dhanka dagaallada: Qodobka 5aad waxaa uu ka reebayaa dowladaha in loolankooda dagaal uu lugta la galao, Haddii uu jiro duulaan ama mid laga cabsi qabo, dowladda lagu soo duulay waa in ay codsato kulan degdeg ah, qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa in dowlad kasta oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ay ixtiraamto madaxbanaanida iyo qaranimada dowladaha kale.
Kaalinta Soomaaliya:
Soomaaliya waa dal xiriir soke la leh labada dhinac, maanta waxaa ay aheyd in ay Muqdisho gogol dhigto sida ay Kuwait sameysay 2014kii markii Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ay safiirradaooda kala baxeen Doxa, waxaa ay aheyd in Soomaaliya qabato dalkii gar-daran, laakin hadda ma dhici karto oo awoodeeda ma lihin, sidaa darteed waxaa haboon in masaafo isku mid ah aan ka istaagno loolanka Khaliijka, in Soomaaliya ay ka madaxbannaanaato loolan u dhaxeeyay dalal walaalo ah iyo in aan loo fududaadin sida horay u dhacday oo dalal aan la kala safanay.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
Saturday, June 3, 2017
Subscribe to:
Posts (Atom)