Monday, April 24, 2017
Friday, April 21, 2017
Thursday, April 20, 2017
Diyaaradihii Jaadka keeni jiray Garoonka Aadan Cadde oo loo weeciyay Garoon kale oo kuyaala magaalada...
Diyaaradihii Jaadka keeni jiray Garoonka Aadan Cadde oo loo weeciyay Garoon kale oo kuyaala magaalada...
----------------------------
Diyaaradaha Jaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaan maanta kasoo degi doonin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho, waxaana diyaaradahaasi loo weeciyay kana soo dagayaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar
Ganacsatada Jaadka keena magaalada Muqdidsho ayaa sheegay in lagu kordhiyay canshuurta ay Wasaarada Maaliyada ka qaado jaadka garoonka Diyaaradaha Adaan Cadde laga soo dejiyo, waxa ayna ganacsatada sheegeen in ay go'anasadeen in aysan jaadku kasoo dejin garoonka Muqdisho.
Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in lacago dheeraad ah oo canshuur ah ay kusoo rogtay Diyaaradihii jaadka keeni jiray magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi keentay in ay is fahmi waayaan ganacsatada iyo Wasaarada Maaliyada.
Maalin walbo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kasoo degi jiray Afar diyaaradood oo jaad sida, hada ahaatee diyaaradahan ayaa maanta ka degi doona Jowhar waxaana jaadka Muqdisho kusoo gali doonaa dhinaca dhulka.
Inta badan Diyaaradaha Jaadka keena Muqdisho ayaa la sheegay in uu iska leeyahay Xildhibaan Cadow Cali Gees oo horey isugu soo sharaxy xilka Madaxweynaha, waxaana Xildhibaanka iyo Madax katirsan Hirshabelle waayadan wadeen qorshe Diyaaradaha Jaadka loogu wareejinayo Garoonka Cisaley oo dib loo howl galinayo .
Mashaariic Laga Fullinayo Soomaaliya
20th April 2017
--------------------------
-Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay ineey ku tabarucayaan lacag dhan 330 miliyan oo Dirham oo u dhiganta $89.9 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa mashariicda horumarineed ee laga hirgellinayo dalka Soomaaliya sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada kalle.
Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi waxeey sheegeen in ujeedada ay tahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhibaatooyin dhaqaale ee heeysta, shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa heer nololeedka dadka.
Waxaa dhab ah haddii lacagaha caalamka ay ku deeqayaan Soomaaliya sideey tahay loogu fulliyo mashaariicdii loogu talagalay ay dhab tahay in wax badan ay isbeddelayaan.
Tuesday, April 18, 2017
Maxaad kala socotaa Fitnada iyo Faa'iidada uu leeyahay Nidaamka Federaalka ?
Maxaad kala socotaa Fitnada iyo Faa'iidada uu leeyahay Nidaamka Federaalka ?
------------------------------
Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo awoodda dowladda dastuurka dalku u qeybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Maamul goboleedyadu waxay leeyihiin meekhaan maamul hoosaad ah, oo waxay haystaan xukun hoosaad ay gobolladooda ku maamulaan.
Awoodaha ay ku shaqeeyaan dowlad goboleedyadu dowladda dhexe ma siiso. Awoodahooda waxay ka helaan dastuurka dalka u yaalla. Dowladda qaab kaan ah waxay ka duwan tahay nidaamka unitary ga kaasoo awoodaha dowladda oo dhan uu gacanta ugu jiro dowladda dhexe oo kaliya.
Ma jiro nidaam dastuuri ah oo awoodaha u qaybiniya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada nidaamka unitary ga mid kaasoo ka duwan midka fadaraalka ah. Nidaamka fadaraalka ah awoodaha dalka lagu maamulo waxaa loo qaybiyaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah waddanka fadaraalka ah. Labada dhinac midkastaa awoodihiisa wuxuu ka helaa dastuurka dalka u qoran. Mid mid ku xad gudbikaraana majiro sababtoo ah sharciga dalka u dhigan baa xad dastuuri ah u sameeyey, awoodahooduna xudduud bay kala leeyihiin.
Habka dowliga ah ee kor ku qoran waddankii uu ka jiro waa dal fadaraal ah. Waa nidaam awooduhu u qaybsan yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Fadaraalku waa xeelad siyaasadeed oo lagu doonayo in la iswaa fajiyo midnimada qaranka, awoodaha oo la qaybsado, iyadoo la taageerayo xuquuqa dalka. Waana midnimada, jiritaanka dalka iyo awoodaha gaarka ah dowladda dhexe ee fadaraalka ah.
Awoodaha dowladda dhexe ee fadaraalka ah gaarka u ah waa siyaasadda arrimaha dibadda, gaashaandhigga, dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta kaabashaaya dhaqaalaha (infrastructure).
Maamul goboleedyada dalka fadaraalka uu ka kooban yahay ma rabaan in ay ka tanaasulaan awoodahooda dastuurku uu siiyey ama siinayo. Haddii ay awoodahooda dowladda dhexe siiyaan, xukun hoosaadkii baa meesha ka baxaya. Markaas waxaa imaanaya nidaamka unitaryga meeshana waxaa ka baxaya nidaamka fadaraalka ah.
Sidee buu ku yimaada nidaamka fadaraalka?
Nidaamka fadaraalka ah wuxuu ku yimaadaa labada qodob ee soo socota:-
1. Waxaa samayn kara waddammo dhowr ah oo madax bannaan oo ah kuwo caalamku aqoonsan yahay ah, kuwaa soo ka tanaasula awoodahooda qaar ka mid ah si ay u helaan dowlad dhexe oo cusub ee iyaga ka dhaxaysa. Markii ay isku darsamaan waxaa samaysmaya waddan weyn oo xoog badan, iyagana maamul hoosaad iyo mid kasta magac u gaar ah ayaa la siiyaa. Sidaas waxaa u samaysmay dalka Maraykanka 1789.
2. Fadaraalku wuxuu kaloo ku yimaadaa markii waddan nidaamka unitaryga ah uu u kala burburo tiro maamul goboleedyo ah, kuwaa soo marka dambe iyagu isuyimaada kuna heshiiya nidaamka fadaraalka ah. Sidaas markii ay dhacdo waxaa dhasha dal fadaraal ah. Sidaasna waxaa ku samaysmay dalka Canada 1867.
Tilmaamaha ama astaamaha u gaarka ah Fadareeshanka.
1. Awoodaha oo la Qabsado:
Dowlad goboleedyada fadaralku ka kooban yahaywaxay raabaan in ay dano badan iyo maslaxooyin badan ka helaan dowlad ay wada leeyihiin oo u dhaxaysa, faa’iidooyin ay ku kifaaxaan bayna dowladdaasi u leedahay iyaga.Laakiin isla markaasna waxay ku dhagan yihiin kuna adkaysanayaan in ay haystaan magacyadooda iyo maamuladooda u gaarka ah. Fikarka fadaraalku wuxuu ku dhisan yahay in la haysto midow iyadoo midnimadiinakhatar ku jirto. Sidaas daraadeed, awoodaha ayaa loo qaybiyaa dowladda dhexe iyo dowladaha maamul goboleedyada. Dowlad kastaa, fadaraalka ama dowlad goboleed, waxaa laga dhigay mid u madax bannaan sharciga inta loo xadeeyey. Mid kasta awood sharci iyo dastuuri bay leedahay, ay u madax bannaan tahay laakiin midda kale shuruucdeeda iyo xudduudeeda sharci ma fara gelin karro. Ma jiri karo fadareeshan ama fadaraal haddii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada awoodaha aan loo qaybin.
2. Dastuur adag oo qoran:
Dastuurka fadaraalka ama fadareeshanka waa qoran yahay waana adag yahay. Illaa laga dhigo mid qoran, dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa ka dhex dhici kara muranno ku saabsan xuduudaha sharci ee ay kala leeyihiin. Dastuurku waa inuu waliba ahaadaa mid adag oo aan sahal lagu beddeli Karin. Taas waxaa loola jeedaa waa in aan la ogolaan dastuurkaan in loo beddelo sida sahlan ee sharciyada caadiga ah loo beddelo.Habka loo beddeleyo dastuurka fadaraalka ah waa inuu ahaadaa mid adag. Baahidaan dastuurka fadaraalka inuu ahaado mid adag waxay ka soo baxday xaqiiqada ah haddii si sahlan dastuurka loo beddelo, waxaa yaraanaya awoodihii maamulada xukun hoosaadka haystey ama waxaaba meesha ka bixi kara dowladihii maamuladu ay la haayeen.
Fadaraalkiina halkaas ayuu ku baaba ayaa. Maamul goboleedyadu waligood ma helaan kalsooni ah xukun hoosaadkooda in aan la faragelineyn ama meeshaba laga saareen haddii baarlamaanka fadaraalka dastuurka si sahlan wax uga beddeli karo. Sidaas awgeed, dastuurka waxaa loo arkaa muqaddes, marka waa inaan si fudud faraha loola gelin.
3. Garsoor Awood Badan oo Madax bannaan:
Illaa markii la sameeyey fadareeshanka waxaa jira labo dowladeed, inkastoo dastuurku qeexo awoodahooda iyo xudduudadooda sharci ee ay kala leeyihiin, wali waxaa imaan kara muranno ama iskhilaafyo ka dhexkacadowladda dhexe iyo dowladaha gobollada ama waxay ka dhex dhikaan labo maamul goboleed. Sidaas darteeed, fadareeshan kastaa waxay leedahay maxkamad sare oo dastuuri ah fasirtana dastuurka fadaraalkaas, xalisana khilaafyada. Maxkamddaani waxay ilaalisaa dastuurka dalkaas fadaraalka ah. Maxkamaddaasi waxay ka ilaalisaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada awoodahooda in aysan siyaadsan. Shaqadaan waxaa qaban kara oo ka mira dhalin kara waxaa weeye garsoor awood badan, madax bannaan, oo dhex dhexaada, kaas oo kali ah baa muranada sharci ee fadaralka xalin kara.
4. Baarlamaan laba gole ka kooban:
Nidaamka fadaraalka baarlamaanka qaranku wuxuu ka kooban yahay laba gole. Dadka dalka fadaraalka ah guud ahaan iyo maamul goboleedyada wakiillo u gaar ah baa mid kasta geestiisa loo siiyey. Aqalka sare wuxuu wakiil ka yahay maamul goboleedyada. Aqalka hoose wuxuu matalaa dadka waddanka fadaraalka guud ahaan.Golahaan waxaa loo sameeyey ama loo abuuray dadka halkaas degan ee dalkaas u dhashay oo dhan. Golaha odayaasha ama aqalka sare wakiil wuxuu ka yahay maamul goboleedyada tiro isle’eg baa dowladaha goboladu ku leeyihiin.Tusaale ahaan dalka Maraykanka dowlad goboleed kastaa labo qof iyada matala ayey u dirsataa, kulana leedahay golaha senate-ka, iyadoon oo eegeen baxaadda gobolkeeda iyo tirada dadka halkaas degan.
5. Madax Bannaanidii hore ay u Haysteen meeshey ka baxaysaa:
Dalalka ku midowbay halka dal ee fadaraalka ah eeiyaga dhexeeya, waxay lumiyaan madax bannaanidoodii hore sababtoo ah midow goodaa wuxuu abuuriyaa dal ama waddan cusub, kaasoo noqonaya mid madax bannaan.
6. Fadareeshanka ama fadaraalka waa la sameeyaa:
Fadareeshanka ma koro laakiin waa la sameeyaa.Dalal madax bannaana oo dowlad nimadooda haystey baa waxay ku heshiiyaan iney hal dal noqdaan, sidaas ayey ku sameeyaan fadaralka fadareeshankuna ku samaysmaa. Koris ama wax hoosta laga soo bilaabay samays ku yimid aha.
7. Midow Rasmi ah oo Joogto ah:
Astaan taan ama muuqaalkaan baa ka duwa fadareeshanka konfadareeshanka. Konfadareeshanku waa midow jilicsan oo kooban oo waddamadu samaystaan. Laakiin fadareeshinka waa midow rasmi ah oo joogto ah.
Dhanka nidaamka Uniteriga aan eegno:
Nidaanka uniteriga waa mid keliya kaasoo awooda sare ee xukuumiga ah ama dowladda dastuurka dalku uu siiyo dowladda dhexe oo keliya, taasoo dalka oo dhan xukunta. Si maamulka iyo shaqaduba habsami ugu socdaan waxaa dalka loo qaybiyaa Gobollo, gobolladaas waxaa loo sameeya maamul.Maamulada gobollada waxaa madax looga dhigaa gudoomiyaal gobol, degmooyinka gobollada hoos yimaada waxaa madax u noqda godoomiyaal degmo. Dowladda dhexe maamulada gobollada waxay siisaa awoodo ay wax ku maamulaan. Awoodahaas gobollada la siiyay waa kuwo kooban, kuwaas oo loo kordhin karo, laga yareyn karo, lagana qaadan karo markii la rabo. Sababtoo ah, goballadu xukun hoosaad ma haystaan nidaamkan awoodaha oo dhan dowladda dhexe gacanteeda ayey ku jiraan.
Dadka maamulaya gobollada dowladda dhexe ayaa magacaabata waana wakiiladeeda meelahaas u jooga. Nidaamkan Unitaryga ah, awoodaha dalka oo dhan waxay gacanta ugu jiraan xukuumada dhexe. Gobollada iyo maamuladooduba waxaay toos u hoos yimaadan dowladda dhexe ee waddanka, waxayna isticmaashaa awood sare, iyadaana lehawoodaha ugu dambeeya ee dalka.
Nidaamkan hadda aan ka hadlayno dalkii leh dastuurkiisu ma ahan mid sare oo adag. Dowladaha Engiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Iiraan, Beljim, Japan, Masar, Denmaag, Giriiga, iyo Kenya ayaa ka mid ah waddamada nidaamkan uniteryga ah ku dhaqma.
Aan dib ugu noqono nidaamka Federaalka:
Faa’iidooyinka nidaamka fadaraalka ah uu leeyahay.
1. Umidowbid si nabad ah oo ikhtiyaar ah samaynta dal xoogleh derti:
Fadareeshanku ama fadaraalku wxuu u suuro geliyaa dalalka yar yar in ay u midoow baan si nabad ah oo ikhtaar ah si ay u noqdaa dal weyn oo xoog badan. Waqtigaan casriga ah waxaa u muhiim ama daruuri ah waddani yar yar iney isku biiraan ama isku darsamaan si ay u noqdan midow aad u xoog badan, si ay iyagu isaga difaacaan gardarada lidka ku ah iyo in ay miisaan ku yeeshaan arrimaha caalamka.
2. Horumarinta Ilaha Dhaqaalaha:
Dowladda dhexe ee fadaraalka ah waxay gudataa waajibaad loo xadadey fulintooda loona igmaday, maamul goboleedyada kala duwan> ee fadaraalka waxay awoodaan in ay keydiyaan dhaqaale badan, iyagoo yareynaya tiro waaxyadooda maamulka ka mid ah.Tusaale ahan dowlada goboleedyada waxaa laga qaaday dhaqaalihii dhanka militariga iyo diblomaasiyadda kaga bixi lahaa. Dariiqaan fadareeshanka wuxuu u suura galinayaa dalalka yaryar in ay ilahooda dhaqaale si wanaagsan u horumariyaan, markii ay ku midoow baan nidaamka fadaraalka ah.
3. Isu keenid midnima qaran iyo xukun hoosaad:
Nidaamka fadaraalka ah wuxuu isu keenay midnimo qaran iyo xukun hoosaad. Sidaas darteed wuxuu aad ugu haboon ama ugu fiican yahay dalalka waaweyn sida Mareykanka, Indiya iwm.
Gobollada kala duwan ee dalalka noocaan oo kale ah, waxay si weyn ugu kala duwan yihiin luuqadda, dhaqanka, diinta, iwm., waxayna leeyihiin baahiyo kala duwan oo dhaqaale iyo siyaasad ah. Nidaaamka fadaraalku dowlad goboleedyada wuxuu siinayaa xukun hoosaad, dowlad weyn oo fadaraal ah oo gobolada ka dhaxaysana way jireysaa. Nidaamkaani wuxuu iswaafa jiyey dowlad dhexe ee qaran iyo maamul goboleedyo, gobol walbaa arrimihiisa hoose ku maamusho, raalina uu ku yahay.
4. Shaqadoo qaybsan:
Nidaamka fadaraalka waxuu ku shaqeeyaa mabda a shaqo qaybsi. Dadka maamul goboleedyada baa si sahlan waxay u xaliyaan dhibaatooyinka heerka goboleedka ah. Aad bay ugu adag tahay dowladda dhexe ee fadaraalka in ay si fiican wax uga qabato dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. Dowladda dhexe waxay wax ka qabataa dhibaatooyinka muhiimadda heerka qaran leh. Arrintaan shaqooyinka lagu qaybinayo waxay keentaa in maamulku si fiican u shaqeeyo.
5. Jawi Dimoqraadiyadeed:
Fadaraalku arrimaha heer gobol wuxuu hoos geeyey maamul goboleedyada. Arrintaani waxay dhiira gelisaa in la daneeyo waxyaabaha guud ee bulshada. U dhiibidda masuuliyadda dadka degan meelaha dowlad goboleedyada, muuliyaddaasi waxay iyaga siisaa tababar faa’iido u leh oo muwaadilnimo ah ama waddaninimo am. Sidaas daraadeed, Fadaraalku wuxuu caawiyaa gacanna ka geestaa dimoqraadiyaddu in ay shaqeyso.
6. Fikrad ama aragti ah caalamka oo dhan fadareeshan inuu noqdo;
Xoogaa taageera yaasha fadaraalka waxay sheegaan mabaadiida nidaamka fadaraalka ah inuu faa’iido u yeelan karo caalamka oo dhan haddii hal fadareeshan laga dhigo.Caalamka oo hal dal ah, baa waxay dhaheen,lagu dhisi karaa mabaadiida dowlad nidaamka fadaraaalka ku shaqeysa.Xukuumad guud dal noocaan oo kale ah waxay wax ka qabaneysa dhibaatooyina ka guud ee kala duwan ee dalalka adduunka, isla mar ahaantaas waxaa lasiinayaa waddamada caalamka xukun hoosaad buuxa oo arrimahooda adduunka ah.
Dal caalamka oo dhan wuxuu awoodi doonaa wadidda midnimada iyo nabadda caalamka.
7. Ku Fiicnaansho aad ah oo bulshada casriga ah:
Bulshada casriga ah waxay noqoneysaa mid adag oo aan si sahlan lagu fahmi Karin, adeeg gooduna uu yahay mid soo kordhaya oo dhib badan iyo kala wudanaansho weyn oo dhanka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, diinta, dhaqanka, garashada, shaqooyinka iyo dano kaloo badan. Arrimahaan oo dhan waxaa si sax ah loo ilaalin karaa markii dalku uu ku dhisan yahay fadaraal.
Waxyaabaha faa’iida darada ah ee Fadaraalku leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, dalka fadaraalka a ceebo iyo cillado badan ayuu leeyahay.
Waana kuwaan hoos ku qoran:
1. Siyaasadda Arrimaha Dibadda waa mid jilicsan:
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka wax ka qora arriamaha fadaraalka, waddanka fadaraalka ah ma awoodo in uu fuliyo ama uu ku dhaqmo siyaasad adag oo arrimaha dibadda ah.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka fadaraalka ah ma aha mid adag ee waa mid jilicsan. Sababtu waxaa weeye dowlad goboleedyadu waxay leeyihiin awood ay sharciyo ku sameeyaan, si sahlan bayna dowladda dhexe waji gabax ugu sameen karaan, waxayna diidayaan in ay ansixiyaan sharcigii loo baahnaa in lagu hirgelino heshiis dowladda fadaraalka ay soo gashay. Dowladda dhexe ee Mareykanka inta badan wayku adag tahay in ay hirgeliso siyaabihii lagu fulin lahaa heshiiskii ay gasho.
2. Jileec Arrimaha Gudaha ah:
Fadareeshanka ama fadaraalka wax qabadkiisaa arrimaha gudaha waa mid jilicsan marka la barbar dhigo nidaamka unitaryga. Awoodaha oo la qaybiyaa fadareeshanka dhexdiisa waxay dowladda dhexe u keentaa tabardarro iyo wax qabasho la’aan. Dhanka kale waddanka ama dalka unitaryga ahawoodaha oo dhan waxay ku aruursan yihiin oo la isugu geeyey gacmaha dowladda dhexe.
3. Dastuur Adag:
Fadareeshanka dastuurkiisuu badanaa waa mid adag oo aan si sahlan wax looga beddeli Karin. Natiijaduna waxay noqoneysaa dowladda dalku in ay wax ka qaban waydo xaaladaha isbeddelaya, arrimo iyo duruufo mar walba imaanaya oo u baahan in wax laga qabto iyi in lala socon waayo waqtiyada isbeddelaya. Dalka Mareykanka kuntonka dowlad goboleed ee ay leedahay toban iyo saddex ka mid ah(13) waxay diidi karaan soo jeedin kasta oo dastuurka wax looga beddelayo.
4. Kharashaad Badan:
Dowladda fadaraalka ah way ka kharash badan tahay midda nidaamka kale ee unitaryga ah.Labo nidaam dowladeed baa ka jira dalka fadaraalka ah dhexdiisa. Dowlad goboleed kasta oo ka tirsan waddanka fadaraalka waxay leedahay baarlamaan, gole fulin iyo maxkamadihii garsoorka.
5. Waqtiyada oo dhan awooduhu si sax ah kuwo loo qaybsaday ma noqon karaan:
Awoodaha oo loo qaybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taa soo sal u ah fadareeshanka ma ahaan karro mar walba qaybsi sax ah. Si kastoo, qorshaha hadda ee qaybsiga awooduhu uu u yahay mid sax ah oo dhammaystiran, ma ahaan karo mid saadaaliya baahiyaha, dalabyada, fikradaha iyo isbeddelada mustaqbalka. Wax hadda loo arko in ay muhiim u tahay gobolama muhiimideedu tahay heer gobol baa barito waxay yeelaneysaa muhiimad heer qaran. Laakiin dowladda qaranku ma heli karto awood cusub iyadoon dastuurka wax laga beddelin ama garsoorku uusan fasirin. Dastuurka si dhaqsa ah wax loogama beddeli karo sababtoo ah wuu adag yahay, fasiraadda garsoorkuna waa mid gaabis iyo hawl iska daba wareegeysa ah.
6. Khatar Kalago:
Dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay fadareeshanku waxa laga yaabaa in ay damcaan ama daneeyaan iney ka go’aan fadaraalka, sababtuna waxay tahay khilaaf soo kala dhexgala dowladda dhexe ee fadaaralka iyo mid ka mid ah dowlad goboleedyada ama khilaafyada iyo cabashooyinka mar walba ka dhex jira dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dalka fadaraalka iyo dowladda fadaraalka, kuwaa soo ku saabsan luuqadaha, dhaqanka, diinta, jinsiga iyo kala duwanaashaha dhaqaale. Maamul goboleed kastaa wuxuu leeyahay dowlad iyo dastuur gaar u ah.
Jenjeersiga xagga go’iddu aad bey u xoog badan tahay fadareeshanka gudihiisa marka la barbar dhigo dalka unitaryga gudihiisa. Sidaas daraadeed, dalka fadaraalka ah waxaa muuqda khataro kala go iyo midnimo la’aan. Khatar taan oo kale mar bay halis gelisey soona wajahdey Switzerland 1847 iyo Mareykanka 1861. Tusaale ahaan khatar taani waxay u horseeday East Pakistan oo hadda ah Bangladesh in ay Pakistan ka godo 1971.
Konfadareeshan:
Konfadareeshan waxaa lagu qeexi karaa koox ama urur labo dal ama in ka badan oo dalal madax bannaan kuwaa soo si joogto ah qayb ka mid ah xoriyaddooda dhiiba, iyadoo laga leeyahay ujeeddooyin iyo dano gaar ah.
Konfadareeshan wuu ka xoog badan yahay isgaashaan buureysi waddamada xorta ah dhexdooda ah, laakiin wuxuu ka hooseeyaa midowka fadaraalka. Konfadareeshanka heerkiisu wuu ka jilicsan yahay nidaamka fadaraalka. Konfadareeshan wuxuu yimaadaa markii hab lagu heshiiyey lagu sameeyo xukun ka dhaxeeya dalalka samaystay nidaamkaan.
Waddamada uu ka kooban yahay konfadareeshanka xorriyaddoodii iyo madax bannaanidoodii ma dhiibaan. Urur kooda kama soo baxo dal cusub. Ururkaan dalalka leh wuxuu u qabtaa shaqooyin kooban oo kala ah iskaashi dhanka siyaasadda,dhaqaalaha iyo gaashaandhigga.
Waddamada konfadareeshanku ka kooban yahay markii ay rabaanway ka bixiraan ururkoodaan.
Gaba Gabadii:
Nidaamka fadaraalka ahu faa’iidooyin iyo khasaarooyin intabada waa leeyahay. Dadka wax ka qora fadaraalka qaar ka mid ah baa waxay qabaan faa’iidooyinkiisu in ay ka badan yihiin khasaarooyinkiisa. Laakiin markii la fiiriyo nidaamka fadaraalka ah waxaa soo baxaysa inuu ku habboon yahay dalalka waaweyn ee dadkoodu kala duwan yihiin meelo badan. Sida luuqadaha, diimaha, dhaqammada iyo qoomiyadaha. Wuxuu faa’iidooyin badan u leeyahay dalalka waaweyn ee dhiyac yadaas badan ku kala duwan. Laakiin faa’iido umalaha waddamada yar yar gaar ahaan dalkii dadkiisu isku luuqad yihiin, isku diin yihiin, isku dhan yihiin isku dadna yihiin.
Guul iyo Gobonimo".
Alaa-mahad leh
Waa Maxay Faraqa U Dhexeeye Dhul-Badeedka (Teritorial Sea) Aagga Dhagaalaha (EEZ) !??
Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?
---------------------------------------------------------
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.
Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka,"sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.
Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.
Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."
Haddaba waa maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?
In badan oo Soomaali ah ayaa dhici karta in ay is weydiinayaan waa maxay faraqa u dhexeeya Territorial Sea iyo EEZ? Maxaa Dawladdii Soomaaliya ugu adkaaysaneysey Territorial Sea oo ah 200 mayl badeed, oo ay uga soo horjeedey nidaamka EEZ? Haddaba qoraalkan ayaan ku soo koobi doonaa aragtida guud ee arrimahaas jawaabta u ah:
Territorial Sea (Dhul-badeed): Waa Hanti aad leedahay
Territorial Waters (ama Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo ah hanti uu leeyahay dalku, taas oo la mid ah dhulka berriga ee dalka, sida magaalada Hargeysa ama Kismaayo ama Xaafuun. Waa dhulbadeed uu leeyahay dalka xeebtaas leh, wax kasta oo kujirana uu dalkaasi leeyahay, sida shidaalka, macdanta, kalluunka iyo khayraad kasta oo kujira, waxaa dalku leeyahay hawada ka saraysa Territorial Waters iyo dhulka badda ka hooseeya. Waa dhul-badeed aan dal kale kula lahayn. Soomaaliya Territorial Waters-keedu waa 200 nautical miles (mayl-badeed). Waa aag aysan soo geli karin maraakiib dagaal ee shisheeye oo aan ogolaansho cad ka haysan dalka xeebtaas leh.
EEZ (Aagga Dhaqaalaha): Waa Dhul lagula leeyahay
EEZ oo laga soo gaabiyo Exclusive Economic Zone waa dhul lagula leeyahay, laakiin dalku dhaqaale ahaan masuule ka tahay oo khayraadka ku jira ka faa'iidaysan karo ama kala bixi karo. Dalka xeebta leh ma xannibi karo maraakiibta halkaas maraysa ama diyaarahada dul maraya. Waa aag aad maamulkiisa masuul ka tahay, khayraadkiisana kala bixi kartid, laakiin waa meel lagula leeyahay. Sida aan ku arki doono xeerka badaha waa meel ay Fiiloyinka (cable) iyo tuubooyin ay gashan karaan dalalka kale.
Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda): Dhulka inta badda hore u sii gashan
Waa inta qaaradda ama dhulku uu badda hore u sii gashan yahay ee noqoneysa moolka. Af-Soomaali ahaan waxay noqoneysaa Qalfoofka Qaaradda. Waana wixii ka sii shisheeya 200 mayl-badeed, taas oo lagu siiyaadinayo 150 mayl badeed oo dheeraad ah. Laga soo bilaabo May 2009 waxaa dalalka xeebaha ah loo ogol yahay in ay siyaadsadaan aagga badda taas oo ah 200nm+150nm si loo gaarsiiyaan ilaa 350 mayl-badeed.
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah.
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah
Xeerka badaha Soomaaliya: Territorial Waters (200 nm)
Dalka Soomaaliya dhul-badeedkeeda waxaa qeexaya xeerka Law No. 37 oo soo baxay 1972, xeerkaas oo Soomaalidu aysan marna ka tanaasulin. Islamarkaasna 1982 iyo 1989 waxay Soomaaliya saxiixday xeerka badaha ayadoo waafajineysa xeerka 1972 oo aysan ka tanaasulin.
Waa maxay xigmadda halkaas ku jirtaa?
- Waa arrin raad ku leh hab-fikradii taariikhda fog ee soo kala horjeedey ee Mare Clausum (closed sea - oo ah bad gaar kuu ah) iyo Mare liberum (high seas ama free sea - oo ah bad la wadaago).
Waxaa jira in xeerarka badahu ay asal ahaan salka ku hayaan in dawladaha itaalka roon, sida gumaystayashii reer Yurub, ay ka dhaadhiciyeen caalamka inaan badda dalku leeyahay ee Territorial Waters laga badin 3 mayl-badeed, markii dambena layiri 12 mayl-badeed. Arrintaas 1970-naadkii si ay dalalkii itaalka roonaa ugu qanciyaan dalalkii loo aqoon jirey Dunida Saddexaad, haddase loo yaqaan dalalka soo koraya, ayaa waxaa loo soo bandhigay hab-fikirka aagga dhaqaalaha EEZ oo ah 200 mayl-badeed oo dalalku khayraadka kala bixi kartaan, laakiin loo sheegay in aaggaasi yahay lala leeyahay oo maraakiibta dagaalka ee dalalka kale mari karaan. Waxaana markaas la yiri aagga aan la idiin soo dhaafi karin Territorial Waters waa 12 nm oo dhulkiina ka mid ah.
Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo loo bixiyey Territorialist States, waxay ku adkaysteen in 200 mayl-badeed ay u tahay Territorial Waters oo ah dhul-badeed ay leeyihiin oo aan lagu soo xad gudbi karin, halkii ay ka noqon lahayd EEZ oo ah aagga dhaqaalaha oo keliya.
Bishii September 16, 2011 ayaa shir waddama Bariga Afrika oo lagu qabtay Seychelles waxaa lagu soo bandhigay in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl badeed, markaa ayaa Faarax Qare, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, waxa uu kulankii ka dalbaday in arrintaas cudurdaar laga bixiyo, waxana uu u qeexay in badda Soomaaliya tahay Territorial Waters oo ah 200nm. Waxana uu intaas raaciyey in Soomaaliya ay saxiixday xeerka badaha Adduunka ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37.
- Qoraalkii Faarax Qare waxaa ka mid ah ahaa tuducdan:
- “By and with the signature and ratification of UNCLOS (as country No. 40), Somalia became a signatory to the United Nations Common Law of the Sea (UNCLOS), but under the reservation that Somalia Law No. 37 (territorial waters) would be respected ("notwithstanding the stipulations of Somali Law No 37 of 1972 concerning Somalia's territorial waters), while the provisions that the 200nm EEZ (exUNCLOS) would apply for the protection of the Somali economic interest in addition.” (Warka oo dhan halkan ka akhri)
Waxaana Faarax Qare sheegay in beesha caalamu ay tixgelinjireen xeerka Law No. 37 ee Soomaaliya, dhulbadeedka (Teeritorial Wates) uu yahay 200 nm.
Marka loo fiirsado Dhammaan Qaraarradii Qarammada Midoobey ka soo baxay 2008 ee ku saabsanaa in ciidamada shisheeye geli karaan badda Soomaaliya waxa ay ka hadlayaan ama qeexayaan dhammaantood waa TERRITORIAL WATERS. Eeg UN Resolutions 1814 (2008), 1816 (2008), 1838 (2008), 1846 (2008) iyo1851 (2008) - kulli waxay ka hadlayaan Somalia Territorial Waters.
Sidoo kale December 31, 2008 markii Nairobi ay xukuumaddii Nuur Cadde heshiiska la galay reer Yurub, heshiis oo uu Nairobi ku saxiixay Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Kenya (Cali Ameeriko) iyo Midowga Yurub, kaas oo ciidamo ka socda Yurub (EURAVFOR) u ogolaanayey in ay galaan Dhul-badeedka (Territorial Waters) - ufiirso halkaas: Waxaa heshiiska lagula galay in ay geli karaan Territorial Waters, dhul iyo cir, lamana xusin wax EEZ ah.
Soomaaliya Weligeed Kama tanaasulin 200 nm oo Territorial Waters ah
Waxay ahayd 1960 markii ay Soomaaliya Dastuurkeeda ku qeexday in dhulkeeda xorta ah uu soo hoos gelayo Dhul-badeedka (Territorial Sea). Sannadkii 1967 ayaa Soomaaliya fogaantii xadka Territorial Sea ee ahaa 12 mayl-badeed ee gumaystayaashii dejiyeen waxay ka dhigtay 200 mayl-badeed (370.4km) oo ah Territorial Sea.
Markii socdeen shirarkii loogu gogol dhigayey xeerka badaha adduunka, waxaa Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ka soo horjeedey hab-fikirka EEZ, kuna dheganaa nidaamka Territorial Waters oo ah 200nm. Sida shirkii ay ka soo qaban qabiyeen AALCC ee Accra Ghana (1970), shirkii Colombo Sri Lanka (1971), shirkii Lagos Nigeria (1972). Waxaa xilligaas jirey dalal ay Kenya ugu horeyso oo u ololaynayey EEZ-ka.
Waxaa doodii meel kulul gaarey August 1972 markii Kenya ay guddigii Seabed Committee u gudbisey qoraal (draft) ay ku taageereyso hab fikirkii ahaa: In dhammaan dalalka dhul-badeedkooda territorial Waters lagu xadido 12 mayl-badeed, isla markaasna EEZ-ku noqdo 200 mayl-badeed si loo qanciyo dalalkii loo yaqaan Territorialist. Markaas ayaa Soomaaliya durbadiiba bishii xigtey ee September 1972 soo saartay sharciga Law No. 37, kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya in uu yahay Territorial Sea , kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u soo saartay 1967 oo Badda Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah (TERRITORIAL SEA).
In aan Soomaaliya weligeed ka tanaasulin Law No. 37 waxaa sii caddeeyey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."
Maxaa Soomaaliya ugu dheganayd hab fikirka Torritorial Sea oo ah 200nm
Sababta ugu weyn ee ay madaxdii hore ee Soomaalidu ugu dhegganaayeen in Soomaaliya Territorial Waters uu yahay 200 mayl-badeed, waxay ahayd la xiriirta xornimada dalka, difaaca qaranka iyo dhaqaalaha dhul-badeedkaas oo khaas u ah shacabka Soomaaliyeed ee Allah ku abuuray badda dihin ee geeska Afrika.
Arrintaas fahamkeeda oo xeel dheer waxaad ka fahmi kartaa marka aad akhridid labada qodob ee hoose oo kamid ah Xeerka Badaha Adduunka, qobodabaas oo kan hore khuseeyo Dhul-badeedka (Territorial Waters oo 200nm ah), kan labaadna Aagga Ganacsiga (EEZ):
Qaybta (PART II) ee xeerka Badaha Adduunka oo ku saabsan Dhul-badeedka (TERRITORIAL SEA) waxa ka mid ah:
- Qodobka (Article 2) ee xeerka badaha oo khuseeya Territorial Sea - waxa uu qeexayaa in xornimada dalka xeebta leh ay sharci ahaan gaarsiisan tahay dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo hawada ka saraysa Territorial Sea iyo dhulka ka hoose badda ee Territorial Sea. (Xornimada dalku waxay gaarsiisan tahay dhulka iyo dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo hawada ka saraysa iyo dhulka ku hoos jira badda). UFIIRSO HALKAAS: Aaggaas dalka ayaa mulkiyad u leh, meel aad mulkiyad u leedahayna wixii ku jira adiga ayaa iska leh oo cid kale kulama leh. Dhaqaalihiisa adigaa leh. Laguma soo xad gudbi karo.
Qaybta (PART V) ee xeerka badaha Adduunka oo ku saabsan Aagga Dhaqaalaha EEZ (EXCLUSIVE ECONOMIC ZONE), waxaa ka mid ah:
- Qodobka (Article 56) ee xeerka badaha oo khuseeya EEZ - waxa uu qeexaya in dalalka xeebaha leh, marka laga hadlayo EEZ (Exclusive Economic Zone) ay xaq u leeyihiin in ay aaggaas ka faa'iidaystaan khayraadkiisa, sahamin ka samaysan karaan, khayraadka halkaas ku jira maarayn karaan.
- Qodobka (Article 58) ee xeerka badaha oo khuseeya EEZ - waxa uu qeexayaa in dhammaan dalalka, ha noqdeen kuwo xeeb leh ama kuwo aan lahayn, waxay maraakiibtoodu mari kartaa aaggaas dhaqaalaha (EEZ) iyo hawada ka saraysaba, waxayna aaggaas badda hoosteeda dhigan karaan fiillooyinka (cables) iyo tuubooyin (pipeline) sida uu sii cadaynayo qodobka Article 87 ee xeerka badaha.
Labadaas xeer ee sare waxaa ku qeexan haddii Soomaaliya aqbali lahayd hab-fikirka EEZ, oo la dhehi lahaa qaata 200 nm oo EEZ ah iyo 12 nm oo Territorial Waters ah, markaas meel xeebta u jirta 12 mayl-badeed ayaa dalalka deriska ah ee aan badda lahayn waxay marsan lahaayeen fiilooyiin iyo tuubooyin aysan Soomaalida kala tashan. Laakiin madaxdii Soomaalida ee xilligaas waxay lahaayeen aragti xeel dheer, waana sababta keentay in la loodin waayey xeerka Law No. 37.
Waxaa xusid mudan Soomaaliya keli kuma aha lahaanshada xeer baddeeda oo Territorial Sea ku xadaynaya 200 mayl-badeed. Waxaa ku weheliya dalal kale oo ku yaal Latin America iyo Afrika. (Eeg shaxda hoose oo muujinaysa qaar ka mid ah dalalkaas, iyo sharciyada ay ka soo saareen Territorila Waters.) Peru waxay xeerkaas ku qoratay Dastuurka.
Dalka
Territorial Sea
Sharciga (Law)
Taariikhda
Benin
200 nm
Decree No. 76-92
April 2, 1976
Congo
200 nm
Ordinance No. 049/77
Dec. 20, 1977
Ecuador
200 nm
Decree Law No. 1542
Nov. 11, 1966
El Salvador
200 nm
Constitution
Sept. 7, 1950
Liberia
200 nm
Act No.
May 5, 1977
Peru
200 nm
Supreme Decree
Aug. 1, 1947
Somalia
200 nm
Law No. 37
Sept. 10, 1972
Maxaa hadda keenay in laga hadlo EEZ
- "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.
- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa barlamaanka u gudbisey hindise sharciyeed cusub oo loo samaynayo Kalluumaysiga kaas oo lagu soo daray qodob badda Soomaaliya ku soo koobaya 12 maylbadeed iyo 200 oo ah EEZ, halkii ay ka ahayd 200 maylbadeed oo Territorial waters ah.. HALKAN KA AKHRI.. Baarlamaanka Soomaaliya oo July 17, 2013 si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
Dawladdii KMG ee uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif Axmed ayaa noqotay tii ugu horeysey oo heshiis Isfaham oo muran gelinaya Badda Soomaaliya la gashay Kenya. Waxayna Kenya laga soo bilaabo 1970-naadkii maanka ku haysey hab-fikirka EEZ oo Soomaalida sida qayaxan uga soo horjeedey. Waxaase April 2009 ay Kenya heshay madax Soomaaliyeed oo si ka fiirsasho la'aan ah ula saxiixday heshiiskaas.
Laakiin markii dambe, Agoosto 2009 ayaa heshiiskaas isfahamka waxaa laga dhigay waxba kama jiraan. Taas markii ay arkeen Kenya iyo xulufadeedii waxay bilaabeen in ay madaxdii Soomaalida ka dhaadhiciyaan in badda Soomaaliya aysanba cabbir lahayn, sidaas daraadeed in la idiin samaynayo EEZ cusub oo ah 200 maylbadeed iyo 12 maylbadeed oo ah Territorial Waters.
Waxa arrintaasi markaas ka soo bilaabatay in 21-23 May 2010 ee ka dhacay Istanbuul, Turkiga, markii Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobey." Waxaana xigey haddallo xiriir ah oo ka soo yeerayey madaxda Dawladda FKMG ee Sheikh Shariif.
Ugu dambayntiina waxaa EEZ lagu daray qodobadda shardiga looga dhigay in DFKMG looga saarayo kumeel gaarska, shirkii "wadatashiga" ee Muqdisho 6 September 2011 Roadmap, kaas oo dhigayey in la xadaynayo EEZ, arrintaasi haddey hirgeli lahayn waxay noqon lahayd:
- In ayadoo la adeegsanayo madaxda DFKMG meesha laga saaro xeerka Soomaaliya u soo dhisnaa 40-sano, Law No. 37.
- In la yiraahdo hadda ayaa la idiin sameeyey EEZ, sidaas daraadeed maadaama aydin hore u lahayn, wixii dembiyo ahaa ee shisheeye ka geystey xeebaha Soomaaliya wixii ka baxsan 12nm waa wax aan cidna loo raacayn, sida kalluumaysigii sharci darrada ahaa iyo sunta lagu aasay oo aan cidna lagu dacwayn karayn.
Waxaase arrintaas markale is hortaagey baarlamaanka DFKMG oo kulankii October 8, 2011, kaas oo laalay wixii heshiisyo la galay wixii ka dambeeyey Janaayo 1991, islamarkaasna si qeexan u sheegay "In Hay’adaha Dastuuriga ee Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada, Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka hawada iyo dhulka Soomaaliya....Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran."
Waxaa laga sugayay in madaxweynahii DFKMG Shariif Axmed uu saxiixo xeerkii uu baarlamaanka DFKMG sida buuxda isugu raacay.
Sida sharciga ah ee DFKM ugu qoran Dastuurka waa in Madaxwaynaha uu saxiixo, kadib markii Baarlamaanku soo gudbiyo, kadibna u gudbiyo cida ay khusayso iyo hay'adaha fulinta, taasi weli dhicin (Oct 14, 2011), sababtana DFKM ayaa la waydiinayaa, la xisaabtan kaasna waxaa is leh Baarlamaanka.
Axdiga DFKMG, Qodobkiisa 36aad oo ku saabsan "SHARCI DEJIN", waxa uu dhigayaa sidan:
- 1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.
- 2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.
- 3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
- 4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
- a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama
- b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
- 5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan Iagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.
Maxaa ku cusub arrinta badda:
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa barlamaanka u gudbisey hindise sharciyeed cusub oo loo samaynayo Kalluumaysiga kaas oo lagu soo daray qodob badda Soomaaliya ku soo koobaya 12 maylbadeed iyo 200 oo ah EEZ, halkii ay ka ahayd 200 maylbadeed oo Territorial waters ah.. HALKAN KA AKHRI.. Baarlamaanka Soomaaliya oo July 17, 2013 si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
21-kii September 2011 ayaa warbaahinta loo sheegay in shirkadda TOTAL (ee laga leeyahay dalka Faransiiska) ay iibsaneyso saamiga boqolkiiba 40% shidaal ka qodista 5 aag (Blocks) oo kala ah Block L5, L7, L11a, L11b iyo L12. Heshiiskaas waxaa shirkadda Total la gashay shirkado hore saamiyo aaggaas ugu lahaa iyo dawladda Kenya, waxaana heshiiskaas la kala saxiixday 19-kii September 2011, maalin kaddibna 20-kii September 2011 ayaa loo gudbiyey Wasaaradda Tamarka ee Kenya si heshiiskaas loo ansixiyo, taas oo in la ansixiyey saxaafadda loo sheegay 6-dii October 2011.
Arrinta taas xigtey in October 16, 2011 ay ciidamada Kenya ka gudbeen xadka NFD oo gudaha u galeen Soomaaliya. (Akhri...)
Shirkii Tamarta ee lagu Qabtay Norway
Toddobaad ka hor intii aan Ciidanka Kenya gelin gudaha Soomaaliya, waxaa Oslo dalka Norway lagu qabtay shir looga hadlay tamarta (Energy Plus Partnership) oo ay ka qayb galeen Kenya iyo Ethiopia. Shirkaas oo la qabtay 10kii iyo 11kii October 2011 waxaa Kenya uga qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Moses Watengula (oo Soomaalidu ku xasuusato in uu Kenya u saxiixay heshiiska Is-fahamka ee Norway ku luglahayd ee uu la saxiixday DFKMG). Dhanka Ethiopia waxaa shirka Oslo uga qayb galay Meles Zenawi. Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Norway Jens Stoltenberg iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey Ban Ki-moon
Shirkii Tamarta ee lagu qabtay Oslo Norway oo ay ka qayb galeen Kenya iyo Itoobiya (isha Sawirka)
Hoos ka akhri Tixraac qodobo kamid ah xeerka badaha oo khuseeya EEZ iyo Territorial Waters:
TERRITORIAL SEA
Article 2
Legal status of the territorial sea, of the air space over the territorial sea and of its bed and subsoil
1. The sovereignty of a coastal State extends, beyond its land territory and internal waters and, in the case of an archipelagic State, its archipelagic waters, to an adjacent belt of sea, described as the territorial sea.
2. This sovereignty extends to the air space over the territorial sea as well as to its bed and subsoil.
3. The sovereignty over the territorial sea is exercised subject to this Convention and to other rules of international law.
EEZ (EXCLUSIVE ECONOMIC ZONE)
Article 56
Rights, jurisdiction and duties of the coastal State in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, the coastal State has: (a) sovereign rights for the purpose of exploring and exploiting, conserving and managing the natural resources, whether living or non-living, of the waters superjacent to the seabed and of the seabed and its subsoil, and with regard to other activities for the economic exploitation and exploration of the zone, such as the production of energy from the water, currents and winds;
Article 58
Rights and duties of other States in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, all States, whether coastal or land-locked, enjoy, subject to the relevant provisions of this Convention, the freedoms referred to in article 87 of navigation and overflight and of the laying of submarine cables and pipelines, and other internationally lawful uses of the sea related to these freedoms, such as those associated with the operation of ships, aircraft and submarine cables and pipelines, and compatible with the other provisions of this Convention.
2. Articles 88 to 115 and other pertinent rules of international law apply to the exclusive economic zone in so far as they are not incompatible with this Part.
Article 87
Freedom of the high seas
1. The high seas are open to all States, whether coastal or land-locked. Freedom of the high seas is exercised under the conditions laid down by this Convention and by other rules of international law. It comprises, inter alia, both for coastal and land-locked States:
(a) freedom of navigation;
(b) freedom of overflight;
(c) freedom to lay submarine cables and pipelines, subject to Part VI;
Article 3
Breadth of the territorial sea
Every State has the right to establish the breadth of its territorial sea up to a limit not exceeding 12 nautical miles, measured from baselines determined in accordance with this Convention. (FG: Halkaas weeye meeesha Soomaaliya sida xooggan u diidey, kana soo saartay Law No. 37 ee 1972 oo Somalia tarritorial Sea ka dhigaya 200 nautical miles.)
Article 57
Breadth of the exclusive economic zone
The exclusive economic zone shall not extend beyond 200 nautical miles from the baselines from which the breadth of the territorial sea is measured
- ARAGTIDA DADWEYNAHA: Jawaabtaada toos ugu qor halkan
Faafin: SomaliTalk.com | October 20, 2011
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac:
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..
Subscribe to:
Posts (Atom)