Wednesday, March 8, 2017

Aan is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.





Aan is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.
---------------------------------:-
Waxaa magaalada Muqdisho  Safar booqasho ah ku yimid  xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres  safarkiisana waa mid  uu ku marayo wadamada abaaraha ay  ka jiraan ee Qaarada Afrika .  Wadamadaasi  waxaa ugu daran suudaanta koonnfureed iyo Soomaliya oo abaar xun ay ka jito kuwaasi oo isbuucii hore 48 sac  gudohood cuduro abaarta ka dhashay ku dilay in ka badan 110 qof.
Safarka lama filaanka ahaa  ee aan hore loo shaacin ee Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu  wuxuu magaaladda Muqdisho gaar ahaan uu kula  kulmay madaxweyne Farmaajo,  iyo   madaxda Ururada bulshada iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala Soomaaliy. waxaana ay ka wada hadleen  arrimo laxariira abaarta iyo colaada  ay wadaan Xarakada  alshabaab .ee ka dagaalanta geeska Afrika.
Socdaalka  xogayaha guud ee Qaramaha Midoomay ku yimid  muqdisho  ujeedada uu ka leeyahay   ayaa ah in Deeq bixiyaashu  ogaadaan in xaalada soomaaliya tahay mid Qatar ah  oo dad badan u dhimanayaan Gaajo iyo cudurka shubub biyoodka kaasi oo ka dhashay dhibaatada biyo la’aanta iyo kulaylka Jiilaalka iyo abaarta.
Si ay u helaan  $825 milyan ee UN   ka cod sadeen wadamada  deeqda bixiyaasha
Waxay dhibaatada abaarta Haysataa   Dadka soomaaliya kunool  60%  dadkaa oo u badan xoola dhaqato.
Dhibaata waqtigan  adag  ka jirta Qaarada afrika  ayaa waxaa ka amusay oo war bixin fiican oo muuqaal  wadata ka sameyn sidii hore looga bartay sanadihii 2009 2011   saxaafada reer  Galbeedka Gaar  BBC  iyo  CNN  ayagoo iska   indho tiray   xaaladda xun ee waqtiga ka jirta suudaanta koonfureed , soomaaliya Yemen . hase ahaatee waxaa xusid mudan in televisionka Aljazeera uu koox gaar ah oo ka waranta Xaaladda Abaarta Soomaaliya ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo waramay durba xaaladda qaxootiga Soomaliyeed eek u nool xerooyin ku yaala Doolow iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayagoo ka waramaya xaalada gobalka Baay oo ka mid ah kuwa ugu daran ee Abaartu ay saamaysay.

Dadka ka Faalooda xaaladaha siyaasadeed Caalamka   ayaa  waxay sheegeen  in  Qaxootiga  badan ee  kusoo qul qulayo wadamada   reer Galbeedka. Gaar ahaan Qaarada yurub sanadkii 2015 ilaa hada.
In  arinkaa  ay aad uga hadleen saxaafada caalamku.
Walina ay ka hadlaan Xaalad Qaxootiga siiriya iyo Ciraaq  ee ku dhibaataysan wadanka Turkiga  Arinkan ayaa Qariyey  dhibaatadii ka jirtay wadamada Faqriga loo yaqaan gaar ahaan xaalada dhibaato ee Qaarada Afrika.
Waddamada  Africa, gaar ahaan Soomaaliya iyo sudaanta koonfureed iyo  itoobiya  waxaa sanadii 2011-ka dhacay abaaro baaxad weyn yeeshay waxaa ku dhinty  Dad lagu qiyaasy 260, 000 sidey sheegeen  hay’ada [WFP] oo ah Barnaamijka QM  u qaabilsan Cuntada Adduunka..
Abaarahaa waqtigaa dhacay  ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo go’I  jiray iyo waliba roobabka oo sanadahaa  si  fiican  u da’in.
Hada waxaa laga baqayaa in tiiyoo  kala dhacdo sanadkan dad baden u  dhintaan Gaajo.waa sida  lagu sheegay warbixinta  Ha’ayada [WFP].
Meelaha ama wadamada  abaarta ka jirto ee ugu darani waa koonfurta sudan,  Somalia Yemen,  iyo Libya .
Su’aashan ayaa  isweydiiyay markaa Falaqeynta Qorayey    Maxay tahay sababta 6sano   ka dib  2011  -2017  mar kale u macaluushan yihiin dad gaaraya boqolaal kun ama malaayiin qof oo ku nool  wadamadii hore abaartu uga dhacdey 2011.
Inkastoo ay khubarada reer galbeedka sabab uga dhigayaan roob la’aanta, haddana qaar badan ayaa arintan masuuliyadeeda dusha ka saaray  isla wadamada reer galbeed-ka.
Waxaa shaki weyn laga qabaa wadamada uu ka socdo daggaalada  looga soo hor jeedo kooxaha islamiyiinta waxaa laga soo sheegayaa in maclul dilootey caruurta.
Warbixin ay  dhawaan soo saartey Hay’adda [UNICEF]  waxay ku sheegtay in carruur Gaaraysa 1.4milyan oo ku nool Qaarada afrika  inay u dhimanayaan macluul.
Waxaa kale oo  laga dayrinayaa  Malaayiin  qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Wuqooyi bari Nigeria iyo  Yemen,  waxaana ka jira   cunno yari baahsan oo  ay abaaruhu keenen.
Markaa  colaadda  ka socota Qaarada Afrika iyo wadamada Carabta Qaarkood  Sow lama oran karo waxaa abuuray  wadamada reer Galbeedka  iyagoo si Toos ah u bur buriyey Dawladaha  wadamadaa ka jiray waxayna ku abuureen kooxa iska soo hor jeeda.
Tusaale wadanka sudan waxaa  loo qeybiyey laba wadan   arinkaa waxay keentay  in wadanka  cusub ee reer galbeedku sameeyey si qasab ah  waxaa loo bixiyey magaca  koonfurta sudan dawladnimadoodii waxay keentay in wadankii colaad kabixi waayo
Hada waqtigan la joogo waxaaa ka jirta abaar iyo colaad. waxaa Noloshoodu Qatar ku jirtaa dad gaaraya  270 000    dhibaatada ka jirta  suudaanta koonfureed  yaa abuuray.  Waa su’aal dhibaatada Libiya ka jirta yaa abuura dhibaatada soomaaliya ka jirta ayaa abuuray dhibaatada ka jita yeman yaa abuur.
markaa sow inaan   is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.
Waxaa iska cad abaarta ku timaada Roob yaraanta  waxaa ka xun abaarta ay keentay colaada  Taas oo dadkii oo  dhan ka Qaxisay meelihii ay ku noolaayeen gaar ahaan  dhulka beeraha laga beerto.
Markaa anigu waxaan aamin sanahay Wax la yiraahdo ma jiraan wadamada Deeq bixiyaal ah waxaa jira wadamo   colaad abuura  colaadaa oo isku badasha  abooro  dadka laayaa.
Qaramada Midoobay inkastoo  dusha sare iyo magaca uu huwan tahay lama moodo madal garta adduunka lagu gooyo cadaalad iyo is-kaashi xalaal ahina ka jiro hadana  hadan waxaa siyaasad  iyo dhaqaalaha lagu abuuro colaad  hormuudka  ka ah Dawlada Maraykanka iyo  saxiibadeed.
WQ:  A.Ciid

Drug Boss Escobar Worked for the CIA

Tuesday, March 7, 2017

Who is Valerie Jarett and Why Is She Moving Into Obama's New Home 2 Mile...

Trump Tapped? President Accuses Obama Of Spying On His Campaign

Ron Paul Drops Wiretap Truth Bombs

Akhriso: Liis Horudhac ah Golaha Wasiirada Cusub


                           

Akhriso: Liis Horudhac ah Golaha Wasiirada Cusub
Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay liis horudhac ah Golaha Wasiirada Dowlada federaalka, waxaa suurtagal ah in wax iska badalaan, saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre in uu ku dhawaaqo.

                     
Liiska Gollaha Wasiirada
Beesha Dir
1. Ridwaan Xirsi Maxamed ( Isaaq , Habar Yoonis )
2. Abdi Ismaaciil Samatar ( Godo-Biirse)
3. Cabdullahi Cabdi Carab ( Dir , Surre )
4. Axmed Gaboobe Ugaas bile ( Dir , Gaadsan
Beesha Daarod
1. Cali Xaji Warsame ( Majerten , Cumar Maxmuud , Reer Mahad )
2. Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ( Ogaden , Cawlyahan)
3. Jaamac Ceeydid ( Dhulbahante)
4. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ( Leelkase )
Beesha Hawiye
1. Cabdulqadir Cosoble Cali ( Abgaal , Harti , Warsangali )
2. Dr Abdinur Sh Maxamed ( Xawadle )
3. Maxmuud Maxamed Culusow ( Habargidir , Ceyr )
4. Mohamed Mukhtar Ibrahim (Gaaljecel)
Beesha Digil & Mirifle
1. Cali Sicid Fiqi ( Digil / Tunni )
2. Cabdixakin Xaji Faqi ( Digil / Dabare)
3. Cabdifitax Geesey ( Mirifle / Leeysan )
4. Aadan Maxamed Nuur ( Mirifle / Hadame )
Beesha Shanaad
1. Fahad Yaasin Xaji Dahir ( Reer Aw-Xasan / Reer Aw-Mahdi )
2. Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)

Silent Coup: Obama, FISA, NSA, Deep State vs. President Donald Trump

How Trump Can Beat The Deep State

Sunday, March 5, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Amar wadnaha jaray Maamuladda J.Land, P.Land & S.Land & Imaaraadka oo Qasaaro kala kulmi kara




Mar 5, 2017 -
Dowlada Soomaaliya ayaa qaaday talaabadii ugu horeysay oo ka careysiin karta maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo kuwa kale.
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa inuu qaaday tilaabadii ugu weynayd ee kula xisaabtamayo dowlad goboleedyada iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah.
Tilaabadaan ayaa ah in madaxweyne Farmajo uu hay’addaha Qaramada Midoobay ku amrayo inay mashruuca JPL oo kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee ka socda Soomaaliya maamulkiisa loosoo wareejiyo dowlada dhexe ee Soomaaliya islamarkaana ay dowladda federalku ay hogaamiso qorshihiisa iyo fulintiisa.
Sidoo kale, madaxweyne Farmajo ayaa dowlad goboleedyada kala hadlaya sidii mashruucaan uu u yeelan lahaa hal hogaan oo ah dowladda dhexe ee federalka, iyadoo dowlad goboleedyaduna tashigooda ku leeyihiin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xamar ku casuumay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo guddoomiyayaasheeda degmooyinka, waxaana laga tashanayaa in arrintaan go’aan cad laga qaato.


Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynaha J/Land ku wargeliyay in hay’ad aanan ruqsad ama fasax ka haysan dowlada dhexe aysan ka shaqeyn karin deegaanadda Jubbaland.
Amar kaas lamid ah waxaa loo sheegay madaxa maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, kaas oo gacanta ku haya mashaariic ay hogaaminayaan Imaaraadka iyo Ingiriiska.
Mashaariicda magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya dowlada dhexe ee Soomaaliya, dhawaan ayayna odayaasha Muqdisho ku wargeliyeen madaxwenaha cusub Farmaajo in la simo xaquuqda gobollada, isla markaana deeganada kale laga qaado canshuuraadka halka dhaqaalaha Xamar kasoo xarooda ay dowlada ku shaqeyso
Warkan ayaa  sidoo kale intaas ku daraya in dhamaan hay;adaha ka shaqeeya gudaha Somaliland ay qasab ku tahay iney soo maraan dowlada dhexe ee Soomaaliya, hadii ay amarkaas qaadan waayaana ay ku dacweyn doonaan dalalka ay kasoo jeedaan gudaha Soomaaliyana laga masaafurin doono.
Imaaraadka oo ah dalka mashaariicda ugu badan ka fuliya maamul goboleedyada ayaa arintan ay ku noqon doontaa mid dhabar jab ah, maadaama ay malaayiin dollar geliyeen mashaariic aysan dowlada dhexe waxba ka ogeyn
Go’aankan kasoo baxaya madaxweyne Farmaajo ayaa mid jahwareer ah ku noqon doona maamul goboleedyada dalka, oo mudo dheer mashaariic malaayiin dollar ah ku qaadanayay arimo aysan ka war hayen dowlada dhexe.

Qalinka: Ciid #Badbado_ciid

Benjamin Fulford 2017 - March 7, 2017