Sunday, March 30, 2014

Sharuudaha lagaa rabo hadii aad dooneyso in aad Noqoto Gudoomiye Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir !!.


 

                                                 


                                                             




Sharuudaha lagaa rabo hadii aad dooneyso in aad Noqoto Gudoomiye Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir !!.
Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay socday isbadal dhinacyo badan ah oo lagu sameeyay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana hada la badlay xilkiina laga qaaday ilaa afar Gudoomiye , waxaana lagu badalay Gudoomiyaasha xilka laga qaaday Dhalinyaro yar yar oo dalka dibadiisa wax kusoo baratay gaar ahaan Dalka Sudan.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa hada isla dhax maraya in ay jiraan Shuruudo adag oo laga doonayo qofka doonaya in uu noqdo gudoomiye Degmo, waxaana Shuruudaha hada buuxiyay oo la qaatay ilaa afar Gudoomiye.


Hadaba Shuruudaha la iska rabo waxaa kamid ah.

1- In aad tahay Dam Jadiid ama ugu yaraan aad taageersan tahay Siyaasada Ururkaasi.

2- In aad kasoo baxday Jaamacadaha ay rabaan Xisbiga Talada Dalka haya sida Jaamacadaha Sudan

3- In Da’daada aysan ka weeneyn 40-Sano

4- In Ugu yaraan aad aqoon u leedahay Gudoomiye Muungaab ama aad isla soo shaqeeseen

5- In aad ku shaqeyso amarka Gudoomiyaha iyo kan Ururka Talada Dalka Haya

6- In la helo qofd amiin kaa ah oo katirsan Madaxda Sare ee Ururka Dam Jadiid .

7- In aad Dalka Sudan kusoo qaadatay tababar dhinaca Ciidanka ah


8- In aad tahay nin kasoo jeed Beeshaa Hawiye Ama Qabiilada La dagan Sida Reer Banaadiri

F.G Waxaa jira hal Gudoomiye Degmo ay leeyihiin Beelaha Banaadriga oo naftiisa laga doonayo in uu soo buuxiyo Shuuradaha kale marka lagatago mida ugu dambeysa.

Qodobadan iyo qodobo kale oo Shuruudahan kamid ah ayaa laagaa doonayaa hadii hamigaaga uu ku jiro in aad noqoto Gudoomiye Demo oo katirsan Gobolka Banaadir , waxaana hada banaan boosaska ilaa 12-Degmo oo lala sugayo dad buuxin kara Shuruudahan.

Wednesday, March 19, 2014

SAWIRO : Shacabka Degmada Carmo Oo Nadiifin Iyo Dib U Habayn Ku Wada Kulliyada Carmo. 1st March 2014 · 1 Comment

                       


(Sawiro) La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose (Mudane Cabdulaahi Ciid )
Oo dhagax dhigay xarun Caafimaad oo laga hirgalinayo degmada Carmo
La-taliyaha Madaxweynaha Dowlada Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa dhagax dhigay xarun Caafimaad oo loogu talagalay Hooyada iyo Dhalaanka,taas oo laga hirgalinayo degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Munaasabada lagu dhagaxdhigay xarunta Caafimaad ee la filayo in laga hirgaliyo degmada Carmo ayaa waxa goob joog ka ahaa,duqa degmada Carmo,maamulka Caafimaadka degmada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga.
Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed ayaa sheegay in MCH-ka la filayo in laga hirgaliyo degmada ay doonayaan inay ugu adeegaan dadweynaha ku dhaqan degmada Carmo iyo nawaaxigeeda.
La taliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha Gudaha iyo Dowlada hoose Cabdulaahi Ciid oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa sheegay in degmada Carmo ay tahay magaalo Taariikhi ah,oo dhisan tahay Burburkii Dowlada Soomaaliya ka dib.
‘’Sharaf wayn ayay u tahay Dowlada cusub ee Cabdiwewli uu hogaaminayo in maanta ay xaruntii Caafimaadka ugu waynayd aan maanta dhagax dhigno,muhiimadayadu waxay tahay goobo Caafimaad iyo Waxbaarsho’’Ayuu yiri Cabdulaahi Ciid.
Mudane Cabdulaahi Ciid ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada uu hogaan ka u hayo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ay ka go’an tahay inay u adeegto dadweynaha.
Kormeerka kulliyada Ciidanka iyo Xarumo Caafimaad.
La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa kormeer uu ugu kuurgalayay arrimaha Bulshada ku tagay Cisbitaalka xarumo Caafimaad iyo Kulliyada tababarka Booliska ee degmada Carmo.
Cabdulaahi Ciid ayaa intii uu kormeerka uu ku jiray Warbixino ka dhagaystay Maamulka Caafimaadka iyo Saraakiisha Kuliyadda tababarka Booliska Carmo,wuxuu indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee ay kooban tahay Kulliyada Carmo.
Si kastaba ha ahate, Kulliyada Tababbarka Ciidanka Booliska Carmo ayaa u baahan balaarin iyo dib u habayn balaaran,maadama aysan helin muddooyinki ugu dambeeyya dayactir iyo balaarin.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-